Allbanaadir.com
NEWS

Dagaal culus oo xiligan ka socda duleedka magaala Kismaayo

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Al Shabaab iyo ciidamada Jubbaland uu kasocdo Deegaanka Janaay Cabdalle.

Dagaalka ayaa qarxay kadib markii dagaalyahano katirsan Al Shabaab weerar culus ku qaadeen fariisimo ciidamada Jubbaland ka sameesteen deegaanka Janaay Cabdalle.

Sida aan wararka ku helnay labada dhinac ayaa waxaa dhax maray dagaal hubka nuucyadiisa kala duwan ,waxaana jira khasaaro labada dhinac kala gaaray.

Ciidamo gurmad ah oo ka baxay magaalada Kismaayo ayaa gaaray deegaanka Janaay Cabdalle uu ka socdo dagaalka u dhaxeeya Al Shabaab iyo ciidamada Jubbaland.

Deegaanka dagaalka ka socdo ee Janaay Cabdalle oo kuyaala duleedka magaalada Kismaayo ayaa horey waxaa fariisimo ugu lahaa Al Shabaab, hasa ahaatee waxaa deegaankaas dhawaan la wareegay ciidamada Jubbaland.

Related posts

Farmaajo oo War kasoo saaray geerida ku timid Jeneraal Morgan

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay Dhaawaca Saney Cabdulle iyo Dowlada oo loo diiday in lagu wareejiyo

Cabdi Cade

Shirka Madaxda maamul goboleedyada oo ka furmaya Dhuusomareeb iyo Ajandaha shirka …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---