Nin la dhashay Gudoomiye Ku xigeenka Gobolka Banaadir oo qarax lagu dilay

Nin la sheegay inuu la dhashay Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo Siyaasada ee Maamulka gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa caawa lagu dilay magaalada Muqdisho.

Cali Axmed Diiriye ayaa ku geeriyooday Isbitaalka Erdogan ka dib markii dhaawacyo halis ah ay ka soo gaareen qarax caawa lala eegtay.

Qaraxan oo ka dhacay Xaafada Shiirkole ee degmada Hodan ayey wararku sheegayaan iney jiraan dad kale oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxan uu ka dhacay Guri ku yaalla xaafada Shiirkole oo uu degan yahay taliyihii hore ee Booliska saldhiga degmada Hodan Cabdifataax Qoslaaye oo isagu ka badbaaday qaraxaas.

La soco wixii soo kordha..

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -