Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xarakada Al-Shabaab oo sheegtay in si dirqi ah uu kaga badbaaday Taliye Odowaa

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerar ismiidaamin ah oo maanta lala beegsaday kolonyo uu la socday taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jen. Odowaa Yuusuf Raage.

Kolonyada ayaa xiligaas marayey agagaarka isbitaalka Xoogga ee degmada Hodan, waxaana soo weeraray gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey oo uu waday nin ismiidaamiyey, iyadoo qorshuhu ahaa in lagu qaarajiyo taliye Odowaa inkastoo uu badbaaday.

“Mujaahidiinta ayaa camaliyad istish-haadi ah ku beegsaday taliyaha ciidanka milateriga DF xilli uu marayay agagaarka wasaaradda Gaashaandhigga” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

Al-Shabaab ayaa khasaaraha ka dhashay weerarkan ku sheegtay shan askari oo dhimasho ah iyo 9 kale oo dhaawaca ah kuwaasoo dhamaantood ahaa ilaalada gaarka ah ee Jeneraal Odawaa oo si dirqi ah kaga badbaaday sida ay warka u dhigeen.

Jen. Odowaa Yuusuf Raage oo qaraxa ka dib la hadlay warbaahinta DF ayaa xaqiijiyay in bartilmaameedka weerarkan uu isaga ahaa balse ciidamada Ilaalada u ah oo aad u foojignaa ay ka hortageen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Cagjar oo soo saaray amar lagu xoojinayo qoraalka afka Soomaaliga

Caydiid Ali

(Sawirro) Tababar loo soo xiray ciidamo ku xareysnaa Dugsiga Ciidamada ee…

Cabdi Cade

Shariif Xasan oo weeraray Farmaajo & Wararkii ugu danabeeyay dhibkii ka dhacay Gobalka Awdal ee Somaliland!!

Caydiid Ali
Taboola Ads ---