Allbanaadir.com
NEWS

Qarax aad u xoogan oo goordhaw ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Qarax aad u xoogan oo jugtiisa inta badan laga maqlay qeybo badan oo kamid ah magaalada Muqdisho ayaa goordhaw ka dhacay inta u dhaxeysa isgooska Tarabuunka iyo Garoonka Horseed.

Sida aan wararka ku helnay qaraxan oo ahaa mid ismiidaamin ah ayaa lala eegtay gaadiid  la sheegay in ay la socdeen saraakiil katirsan ciidanka milatariga Soomaaliya oo goobtaasi marayay.

Qaraxa kadib ayaana la maqlayay rasaas ay ridayeen ciidamada dowlada gaar ahaan kuwa milatariga oo ka bad baaday qaraxa, waxaaana qaraxan ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Gaadiid dagaal oo ka baxay xarunta Wasaarada Gaashaandhiga ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay kuwaa oo gabi ahaan xiray halka qaraxu ka dhacay, waxaana adag in la ogaado xaalada goota qaraxu ka dhacay.

Waxii warar ah ee kusoo kordha kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muxuu salka ku hayaa socdaalka Axmed Madoobe ku joogo dalka Imaaraadka Carabta?

Caydiid Ali

Wasiiradda Dagaalka Israa’iil oo ku kala qeybsan Jawaabta laga bixinayo Weerarkii Iran

Cabdi Cade

Basbaas sabab u noqday in Maxaabiis ka baxsadaan xabsi si weyn loo ilaaliyo ammaankiisa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---