Somaliland oo ka hadashay safar la sheegay in danjiraha Shiinuhu ku tagayo Hargeysa

Somaliland ayaa soo dhoweysay safar la sheegay in Danjiraha Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Ambasador Qin Jian uu ku tagayo Hargeysa.

Ambasador Qin Jian ayaa daba socda xiriirka iyo heshiiska ay kala saxiixdeen Somaliland iyo Taiwan, kaasoo dowladda Shiinuhu si weyn uga carootay, iyadoo ku sifeysay wax aan la aqbali karin oo meel ka dhac ku ah midnimada Shiinaha.

Yaasiin Faratoon Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland ayaa sheegay in safarkaasi uu yahay mid iska caadi ah oo aan wax saameyn ah ku yeelan doonin xiriirka cusub ee Taiwan iyo Somaliland.

“Maahan markii ugu horeysay ee danjire Qin Jian uu safar ku imanayo Magaalada Hargeysa, safarkana kuwaas waxba kagama duwana” ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland oo intaas ku daray in danjiruhu uusan ilaa hadda la soo sameyn xiriir ku aadan safarkiisa balse ay arintaas siyaabo dadban uga war heleen.

Safiirka Shiinaha ayaa la filayaa inuu kulamo la qaato madaxda Somaliland isagoo u sharixi doona mowqifka dowladiisu ka taagan tahay xiriirka Taiwan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -