Allbanaadir.com
NEWS

Ninkii dilay Taliyihii Ilalaada Garoonka Diyaaradaha Boosaaso oo xukun dil ah lagu fuliyay

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee maamul Goboleedka Puntland ayaa xukun dil ah ku fulisay askari katirsanaa ciidamada maamulkaasi oo horey u dilay Taliyihii Ilalaada Garoonka Diyaaradaha Boosaaso Marxuum Xasan Shire Ammaan.

Dilkan sargaalkan oo dhacay 7 bishii December Sanadkii 2015ki ayaa waxaa geestay askari lagu magacaabayay Axmed Aadan Maxamed Gaagaale , waxaana la sheegay in dilkaasi salka ku hayay muran labada nin dhax maray.

Fagaare kuyaala magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa xukunka dilka ah lagula fuliyay askariga gacan ku dhiiglaha ah, waxaana goobjoog ka ahaa toogashada Guddoomiyaha maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Puntland iyo Mas’uuliyiin kale.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Goboleedka Puntland ayaa sidoo kale Go’aamisay in diyo ahaan loo siiso askariga dilka maanta lagu fuliyay 67 neef oo geel ah oo ah dhaawacyo soo gaaray markii la soo qabanayay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mahdi Maxed Guuleed oo bilaabay dabagalka arrin uu u xilsaaray Raisul Wasaare Khayre (Sawirro)

Caydiid Ali

Wararkii Ugu dambeeyay kulan maanta yeelan lahaayeen Baarlamaanka oo baaqday

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo Rooble oo fursado heesta

Cabdi Cade
Taboola Ads ---