Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Saynisyahano Saadaaliyey xiliga uu dunida ka dhamaanayo cudurka Coronavirus

Saynisyahano ku sugan dalka Mareykanka oo wax ka dhiga jaamacada ku taalla Minnesota qeybta Cilmi baarista Cudurrada iyo Siyaasadda ayaa ayaa saadaaliyey in Xanuunka Coronavirus uu soconayo mudo labo sano ah oo ku eg sanadka 2022-ka.

Warbixinta ay soo bandhigeen Seynisyahanadan u dhashay Dalka Mareykanka ayay ku sheegeen in Xanuunka uu ku dhici doono boqolkiiba 60 ilaa 70 dadka ku nool caalamka ka hor inta uusan si toos ah u dhamaanin.

“Feyruska dunida kama dhamaan doono illaa uu ku dhaco 60 illaa 70 boqolkiiba dadka caalamka ku nool” ayuu yiri Mike Osterholm, oo ah agaasime ka tirsan Jaamacadda Minnesota.

Hadalkan kasoo baxay seynisyahanadan u dhashay dalka Mareykanka ayaa ku soo aadaya iyadoo Dadka ku nool dunida ay sugayaan waqtiga dib loo furayo kala xirnaanshaha caalamka.

Cudurkan ayaa dunida geliyey khasaare Maaliyadeed oo ka badan balaayiin dollar, waxayna qaadan doontaa in laga soo kabto muddo aad u fog sida dhaqaaleyahanadu ay saadaaliyeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Faah Faahino kasoo baxaya dil argagax lahaa oo loo geestay Nasro Cabduqaadir Maxamed

Cabdi Cade

Siyaasiyiin caan ah oo qoraal xasaasi ah u diray Madaxweyne Xassan Shiikh (Akhriso)

Caydiid Ali

Maxkamada ciidamada DF oo xukun adag ku riday Maxamed Aadan Gaduudow

Caydiid Ali
Taboola Ads ---