Trump oo shaaciyey Magaca dowlad ka shaqeyneysa inaan mar kale la soo dooran

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Arbacadii sheegay in qaabkii ay Shiinaha ula tacaaleen cudurka Coronavirus ay caddeyn u tahay in Beijing “ay sameyn doonto wax kasta oo ay awooddo”, si uu u lumiyo doorashada madaxweynaha ee bisha November.

Wareysi uu siiyey Reuters, isaga oo ku sugan Xafiiska Oval, ayuu Trump ku sheegay inuu eegayo tallaabooyin kala duwan oo China uu ku marsiin karo ciqaab la xiriirta fayruskan. “Wax badan Ayaan sameyn karaa,” ayuu yiri.

Trump ayaa Shiinaha ku eedeynayey cudurkan safmarka ah, oo dalka Mareykanka ku dilay in ka badan 60,000 oo qof, islamarkaana dhaawac xooggan gaarsiiyey dhaqaalaha Mareykanka, taasi oo wiiqday rajadii dib u doorasho ee Trump.

Madaxweynahan Jamhuuriga ah, oo inta badan lagu eedeeyo inuusan xilli hore tallaabo qaadin, si uu Mareykanka ugu diyaariyo la-dagaalanka faafitaanka fayruskan, ayaa sheegay inuu rumeysan yahay in Shiinaha ay ahayd inay xilli hore dunida ogeysiiyaan cudurka Coronavirus.

Mar wax laga weydiiyey inuu Shiinaha ku ciqaabi karo canshuur dheeri ah iyo inuusan bixin deymaha ay ku leeyihiin Mareykanka qaarkood, ayaa Trump waxa uu yiri “wax badan ayaan sameyn karaa, waana eegeynaa waxa dhacay.”

“Shiinaha waxay sameyn doonaan wax kasta oo ay awoodaan, si tartanka la iiga adkaado,” ayuu yiri Trump.

Waxa uu intaas ku daray in Beijing ay dooneyso musharaxa la loolamaya ee Dimoqraadiga ah, Joe Biden, uu ku guuleysto doorashada, si uu uga qafiifiyo cadaadiska Trumo uu saaray Shiinaha sida gacansiga iyo arrimaha kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -