Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Kalkaalisadii ugu horeysay oo magaalada Muqdisho ugu geeriyootay cudurka COVID-19

Drs. Sam-sam Cali ayaa noqotay kalkaalisadii ugu horeysay ee cudurka Coronavirus ugu geeriyootay magaalada Muqdisho.

Waxay aheyd Madaxa qeybta Umulisada ee Isbitaalka Kalkaal oo ka mid ah isbitaalada Muqdisho, caawa ayeyna ku geeriyootay Muqdisho ka dib markii naqasku ku dhegay sida ay sheegeen saraakiisha Caafimaadka.

“Waxay nafteeda u hurtay badbaadinta dadka kale waxayne ka mid noqotay dhaqaatiirta ku shahiiday la dagaalka cudurka Covid 19” ayuu yiri Dr. Aazan Aadan oo ka tirsan dhaqaatiirta Soomaaliyeed.

Geerida Marxuumada oo aheyd mid lama filaan ah ayaa waxaa si weyn uga naxay bahda Caafimaadka, gaar ahaan dhaqaatiirta ay wada shaqeyn jireen iyo kuwii ay Jaamacadda iskala qelin jebiyeen, kuwaasoo baraha bulshada ku soo bandhigay sida ay geerideeda uga argagaxeen.

Guddiga qaran ee ka hor tagga COVID-19, ayaa xaqiijiyay in laba ruux oo kamid ah dadkii laga helay cudurka COVID-19 ay geeriyoodeen, 62 xaalad cusub oo 44 kamid ah lab yihiinna ay soo kordheen 24-kii saac ee ugu dambeeyay.

Tirada guud ee xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa noqotay 390 ruux, bukaannada dalka ugu geeriyooday guud ahaan waxay noqdeen 18 ruux.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Midowga Musharaxiinta oo dalbaday in Dacwad lagu soo oogo Farmaajo kana baxo Madaxtooyada

Cabdi Cade

Midowga Yurub oo ka caga jiidaya fulinta dalab ka yimid hogaanka dalka Ukraine

Caydiid Ali

Maleeshiyaad hubeysan oo saakay dilay Aabe iyo Wiilkiisa iyo Wararkii u dambeeyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---