Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Raisul Wasaare Khayre oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdigii ka socday Somaliland

Ra’iisul Wasaaraha Somalia Xassan Cali Khayre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdigii ka socday Somaliland ee u yimid taakuleynta walaalahooda ay saameeyeen fatahaadaha Wabiyada.

Wafdigan oo shalay soo gaaray Muqdisho ayaa waday lacag ka badan $600,000 oo ay iska soo aruuriyeen shacabka Somaliland kuwaasoo ay ugu talageen in lagu caawiyo dadkii ay saameeyeen fataahaadihii ka dhacay Baladweyne iyo meelo kale oo dalka ka mid ah.

Kaalmada ay wadaan ayaa wafdigan waxay ku wareejiyeen guddiga Qaran ee dowlada federaalka Soomaaliya u saartay kaalmada iyo wax u qabashadada dadkii ay fatahaaduhu saameeyeen.

Raisul Wasaare Khayre ayaa uga mahad celiyey shacabka Somaliland iyi guddigan kaalmada ay soo gaarsiiyeen walaalahood, wuxuuna xusay in tanbi ay astaan u tahay sida Soomaalinimada ay uga weyn tahay siyaasad iyo xuduud kasta.

Guddigab oo ka kooban Culimaa’udiin iyo ganacsato ayaa mudada ay joogaan magaalada Muqdisho waxay kulamo la qaadan doonaan madaxda dowlada iyo qeybaha bulshada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddiga doorashooyinka Qaran oo War soo saaray iyo Deni oo ka soo horjeestay

Caydiid Ali

Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka oo soo saaray amar ku socda heyadaha DF

Caydiid Ali

Dastuurkii la xaday oo ku jira Qodob sheegaya in Muqdisho Caasimad aheyn (Akhriso Cadeymo)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---