Hogaamiyaal Caan ah oo Muuqaal laga duubay iyaga oo ku maadeesanaya Donald Trump

Muuqaal si qarsoodi ah looga duubay Hogaamiyaal caan ah oo ku maadeesanaya shir jaraa’id uu qabtay Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa si weyn loogu baahiyay Warbaahinta iyo baraha bulshada.

Donald Trump ayaa ka carooday muuqaalka la baahiyay oo la sheegay in uu ahaa mid lagu xamanayay sidoo kale lagu maadeesanayay shir jaraa’id uu ku qabtay magaalada London ee caasimada Britain.

Muuqaalka ayaa si toos ah looga arki karaa Ra’isul Wasaaraha Canada Mr Trudeau, Ra’iisul Wasaaraha UK Boris Johnson iyo madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron iyo hogaamiyaal kale oo ka sheekeysanaya shirkii jaraa’id uu madaxweyne Trump qabtay.

Qeybta hore ee Muuqaalka la baahiyay ayaa laga maqli karaa Ra’isul Wasaaraha Britain Boris Johnson oo su’aal weydiinaya Mr Macron ayaa yiri: “Ma taasaa sababta aad usoo daahday?”

Ra’isul Wasaaraha Canada Mr Trudeau  ayaa markaas ka dib hadalkooda dhex galay oo yiri: “Wuu soo daahay sababtoo ah wuxuu qaadanayaa 40 daqiiqo marka uu shir jaraa’id ku qabto kor.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa isaga oo careesan ka hadlay muuqaalkan la baahiyay waxa uuna si gaar ah u weeraray Ra’isul Wasaaraha dalka Canada uu ku tilmaamay labo wajiile.

Ra’isul Wasaaraha Canada Mr Trudeau ayaa oo xili dambe oo muuqaalka la baahiyay kadib Warbaahinta u sheegay in uusan ku qosleynin shirka jaraa’id ee Mr Trump, balse uu ku qoslayay meesha uu ka dhacayo shirka xiga ee Nato, oo ah Camp David.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -