Wadahadal u bilowday DF & Ahlu sunna iyo howlihii dhismaha Galmudug oo..

Dowlada Somalia ayaa bilowday dedaalkii ugu dambeeyey ee lagu qancinayo hogaanka Ahlu sunna, iyadoo wararka aan ka heleyno magaalada Dhuusamareeb ay sheegayaan in muddo todobaad ah la hakiyey howlihii dhismaha maamulka Galmudug.

Talaabadan ayaa la sheegay in looga gol leeyahay in mudadaas todobaadka ah lagu soo afjaro khilaafka Ahlu-Sunna iyo dowladda federalka ee ka dhashay qaabka ay dowladdu u rabto in loo dhiso maamulka iyo qoondo ay rabto Ahlu-Sunna inay ku yeelato maamulka cusub ee loo dhisayo Galmudug.

Wasaaradda arimaha gudaha xubno ka tirsan ayaa sheegay in Muqdisho looga yeeray Cabdisamad Macalin Maxamuud Wasiirkii hore ee wasaaradaas, kaasoo isku xire u ahaa dowladda federaalka iyo Ahlu-Sunna si uu dar dar geliyo wadahadalka.

Cabdisamad ayaa la sheegay inay dowladdu ka dalbatay inuu ka qeyb qaato xalinta tabashada hoggaanka Ahlu-Sunna.

Ahlu-Sunna ayaa horay dowladda federaalka ugu eedeysay inay uga baxday heshiis ay ku wada gaareen magaalada Dhuusamareeb, waxayna haatan ku howlan tahay dhismaha maamul ka madax banaan kan ay gar wadeenka ka tahay dowladda federaalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -