Axmed Madoobe oo Khilaaf diblumaasiyadeed ka dhax abuuray Kenya iyo Itoobiya

Madaxweynaha aan la aqoonsaneyn ee Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ku sugan magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, waxa uuna halkaasi kulamo kala duwan kula leeyahay Madax katirsan dowlada Kenya iyo masuuliyiin.

Axmed Madoobe ayaa xiligan la kulmaya cadaadis xoogan oo kaga imaanaya dowlada federaalka Soomaaliya iyo ciidamada Itoobiya ee ku sugan qeybo kamid ah deegaanada maamulka Jubbaland.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Nairobi shirar ay warbaahinta ka maqan tahay ku sheegeen Axmed Madoobe iyo Gudoomiyaha cusub ee Jabhada ONLF Cabdiraxmaan Maadey oo dhawaan Nairobi gaaray.

Wargeyska Addis Standard ayaa sheegay in kulamada Nairobi ka dhacay xal loogu raadinayay khilaafka soo kala dhax galay maamulka Jubbaland iyo dowlada Itoobiya oo bilowday cadaadis ka dhan ah maamulka uu Hogaamiyo Axmed Madoobe.

Khilaafka Itoobiya iyo maamulka Jubbaland ayaa xoogeestay kadib markii diyaarada ay leedahay Itoobiya oo ciidamo waday loo diiday in Kismaayo ka degto, waxaa sidoo kale Itoobiya ka carootay talaabooyin kale uu qaaday Axmed Madoobe xiligii doorashada.

Axmed Madoobe ayaana lagu soo waramayaa in xiisda diblumaasiyadeed ka dhax abuuray dowlada Itoobiya iyo Kenya oo kala taageersan maamulka uu hogaamiyo ee Jubbaland iyo dowlada federaalka Soomaaliya.

Sida uu qoray wargeyska Addis Standard dowlada Itoobiya ayaa shaki badan ka qabta dhaq dhaqaaqa Axmed Madoobe , waxa ay sidoo kale Wargeyska sheegay in Itoobiya Shaki ka qabto in Axmed Mafdoobe uu taageerayo Ururro halis ku ah nabadda gobolka.

Hogaamiyaha ONLF C/Raxmaan Maadeey ayaa dhawaan sheegay in ONLF ay rabto in la xaliyo khilaafka u dhaxeeya Kenya iyo Jubbaland oo hal dhinac ah iyo Dowlada Itoobiya ,waxa uuna ugu baaqay Abiy in uu tix galiyo rabitaanka shacabka Soomaalida.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -