Allbanaadir.com
NEWS

Dhalinyaro afduub loogu heestay Puntland oo xuriyadooda dib u helay (Daawo Sawirada)

Waxaa shalay xuriyadooda dib u helay labo nin oo dhalinyaro ah kana soo jeeda Deegaanada Somaliland, kuwaa mudo isbuuc ka badan afduub ahaan loogu heestay Deegaanka Dangoroyo ee gobolka Nugaal.

Cabdulqaadir Guuleed Axmed iyo Xamse Maxamed Axmed oo ka soo jeeda Somaliland ayaa 31-dii March, ee sanadkan waxaa laga afduubtay magaalada Garawe ee Caasimada Puntland halkaas ay u yimaadeen qaadashada Baasaboorka Soomaaliga.

Dhalinyaradan waxaa afduub u geestay dabley kasoo jeeda Puntland kuwaa oo dalbanayay in maamulka Somaliland sii daayaan Siciid Maxamed Faarax oo magaalada Burco ku xiran mudo 2 bilood ah kana soo jeeda dhinaca Puntland .

Waxgarad iyo Ururada bulshada ee kasoo jeeda Puntland ayaa dadaalo badan ku bixiyay sidii xuriyadooda loogu soo celin lahaa labadan wiil ee afduub ahaanta loogu heestay Deegaanka Dangoroyo.

Islaan Ciise Islaan Maxamed oo dhalinyaradan lasoo daayay kusoo dhaweeyay gurigiisa ayaa raali galin ka bixiyay afduubka, waxa uuna sheegay in dhacdadan afduubka ah ay tahay mid aad looga xumaado marnaba aysan raali ka noqon karin.

Ugu dambeyn dhalinyaradan xuriyadooda dib u helay ayaa uga mahad celiyay waxgaradka iyo dadkii kale ee gacanta ka geestay in ay dib u helaan xuriyadooda, waxa ayna sheegeen in aysan jirin wax dhibaato ah oo loo geestay intii afduubka loo heestay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dil argagax leh oo ka dhacay Kismaayo: Nin hooyadiis ku dilay gowrac oo la soo xiray

Caydiid Ali

Senator cusub oo loo doortay Aqalka Sare ee BFS (Sawirro)

Caydiid Ali

Ciidanka Israel oo ka baxay Khan Younis ka dib dagaalo faraha looga gubtay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---