Allbanaadir.com
NEWS

Musharaxiin kahor yimid magacaabista Guddiga Doorashada Galmudug (Akhriso)

Wasaarada arimaha gudaha iyo federaalka Xukuumada Soomaaliya ayaa wareegto dhawaan ku magacawday xubnaha guddiga farsamada iyo doorashada ee maamulka Galmudug.

Labo kamid ah Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa qoraal ay si wadajir ah usoo saareen waxa ay uga hor yimaadeen sharci darana ku tilmaameen guddiga farsamada iyo Doorashada ee la magacaabay.

Musharax Cabdiraxmaan Odowaa iyo Musharax Kamaal Guutaale ayaa sheegay in xubnaha guddiga farsamada ee la magacaabay ay u badan yihiin shaqaalaha rayidka dowlada gaar ahana xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha.

Labadan Musharax oo katirsan Xisbiyo mucaarad ku ah Villa Soomaaliya ayaa ku eedeeyay dowlada in ay si gaar ah u taageereyso Musharax gaar ah loogana ololeenayo Xafiisyada Ra’isul Wasaaraha iyo Madaxweynaha.

Halkan ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Musharaxiintan

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamo Kenyan ah oo garab siinaya Jubbaland oo lasoo dhoobay Xadka gobolka Gedo

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo heshiisyo waaweyn la saxiixday Shiinaha (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan oo Jubbaland madaxdooda oo ka arrinsaday dagaal ka dhan ah Al Shabaab (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---