Ciidanka Kenya oo burburiyey xarun isgaarsiineed oo ay leedahay shirkadda Hormuud

Iyada oo ay weli sii socoto burburinta ay Ciidanka Kenya ku hayaan xarumaha Shirkadaha Isgaarsiinta Soomaaliya ee Gobollada Jubbooyinka & Gedo ayaa Ciidanka Kenya shalay Jimco, August 23, 2019 burburiyeen xaruntii ay Shirkadda Hormuud ku leheed tuulada Cows-qurun oo hoos tagta Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.
Ciidanka Kenya ayaa gubista xaruntaan waxa ay u adeegsadeen Qaraxyo ay ku xireen dhammaan derbiyada dhismaha iyagoo ka dibna qarxiyey, waxaana goobta ku bur buray Dhismihii Shirkadda & qalabkii yiiley oo ka koobnaa BTS, Link-yo, 2 dab dhaliye, Tower & Agabkii kale ee shirkadda Yiilay.
Ma jiro wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay burburinta xaruntan, waxaase ay dhibaato nololeed ku reebtay isgaarsiin la’aani heysataa bulshada danyarta ah ee ku nool Deegaanka Cowsqurun & Tuulooyinka ku xeeran.
Afhayeen u hadlay shirkadda Hormuud Telecom ayaa Saxaafadda u xaqiijiyey in Ciidanka Kenya burburiyeen xarun shirkaddoodu ku leheed Deegaankaasi.
Ciidanka Kenya ayaa sanadihii la soo dhaafay burburin sharci darro ah ku hayey Xarumaha Shirkadda Isgaarsiinta ee Hormuud sida: Jaldeys, Cali Buley, Diif, Khadiijo Xaaji, Ceelbaande, Dhuyacgaroon, Geriley & Dhamase oo ka kala tirsan Gobollada Jubbada Hoose & Gedo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -