Allbanaadir.com
NEWS

Musharaxii Nabad iyo Nolol oo ka hadlay Sababtii uu u tagi waayay Kismaayo

Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Salaad (Oomaar) oo kamid ah Musharaxiinta doonaya in ay u tartamaan xilka Madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa ka hadlay sababta uu uga baaqday safar uu Kismaayo ku tagi lahaa.

Wasiir Oomaar ayaa isbuucii hore ka baaqday safar la qorsheeyay in uu ku tago magaalada Kismaayo, waxaana warar soo baxayay sheegayeen in beesha caalamka Wasiirka kula talisay in uu safarka ka baaqdo si aysan dhibaato uga dhicin Kismaayo.

Maamulka Jubbaland ayaa horey u shaaciyay in aysan Kismaayo imaan karin masuul katirsan dowlada Soomaaliya, waxaa sidoo kale Shuruudaha Musharaxiinta lagu daray in masuulka tartamaya iska casilo xilka uu hayo kahor inta uusan is sharaxin.

Wasiir Oomaar ayaa sheegay in sababtii uu uga baaqday safarkii uu ku tagi lahaa magaalada Kismaayo ay tahay in uu ka baaqsdaay in dhibaato ay ka dhalato safarkiisa uuna dhacoi iska hor imaad.

“Safarkii aan Kismaayo ku aadi lahaa anigaa ka baaqday anigoo ka fogaanaya in si un iska hor imaad u dhaco, Qof isku dayay inuu i soo qaado ma jiro. Inkastoo aan xaq u leeyahay in aan la is ilaalsho haddana kismaayo markaan tagayo ciidda ayaa i ilaalin ilaah ka sokow”ayuu ku sheegay Qoraal uu Facebook soo dhigay Wasiir Oomaar .

Waxa uu xusay Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka  Soomaaliya Maxamed C/llaahi Salaad (Oomaar)  in uusan waayin awood uu ku tago deegaanada Jubbaland gaar ahaan Kismaayo balse uu turayo.

“Hooyadii canuggeda lala qabsaday ee la yiri aan idiin kala goyno waxey tiri ha loo daayo tii aanan dhalin iyadoo ka baqaysa in canugeeda la kala gooyo. Taas un baan isku mid nahay ee awood aan Jubbaland ku imaado ma weyn. Waan aqaan masuuliyadda i saaran, Dadkii talada xumaa baa weli ummadda waalaya. Dagaal aadan idinka hurin Jubbaland Kama dhici doono Caqliga ha shaqeeyo”ayuu yiri  Oomaar.

Wasiir Oomaar ayaa ah Musharaxa ay wadato Nabad & Nolol ayna dooneyso in uu Madaxweyne ka noqdo Jubbaland, lamana oga sida Oomaar ugu suurto galeyso in uu tago Kismaayo oo Cadaadis xoogan lagu hayo Musharaxiinta kasoo horjeeda Axmed Madoobe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Somalia & Talyaaniga oo kala saxiixday heshiis ku kacaya Malaayiin EURO

Caydiid Ali

Mareykanka oo lagu eedeeyay in Sabab u yihiin geerida ku timid Madaxweynaha Iran

Cabdi Cade

Midowga Afrika oo ku dhawaaqay xaalad deg deg ah (Sababta)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---