Allbanaadir.com
NEWS

Ciyaaryahan Maxamed Saalax oo Codad badan ka helay Doorashadii Masar (Daawo Sawirro)

Dalka Masar waxaa ka dhacday doorashada Madaxweynaha dalka Masar , waxaana doorashadan oon xiiso badan laheyn ku tartamayay Madaxweyne Abdul Fattah al-Sisi iyo Moussa Mustafa Moussa.

Arinta layaabka leh ay wax ka qorayaan Warbaahinta Caalamka ayaa ah in ka badan Hal milyan qof oo Masaari in codkooda siiyeen Ciyaarayhanka Caanka ah ee hogaamiyaha Xulka Masar Maxamed Salax oo sidoo kale u ciyaara Kooxda Liverpool.

Doorashada ayaa aheyd mid aan xiiso badan laheyn waxaana ku tartamaya Madaxweyne Al Sisi iyo Musharax maqaar saar ah uu watay, waxa ayna Taageerayaal badan codadkooda u hibeeyeen Xidiga Wacdaraha dhigaya ee Maxamed Salax.

Dad badan ayaa aaminsan hadii Maxamed Salax xiligan uu siyaasada kusoo biiri lahaa isna soo sharaxi lahaa in uu heli lahaa codadka Malaayiin qof oo Masaari ah kuwaa oo si xad dhaaf ah u jrecel xidigan usoo saaray Koobka Aduunka .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Xildhibaanadii ugu badnaa oo qaadacay dooda wax ka bedelka Dastuurka

Caydiid Ali

Axmed Jiis iyo 50 kale oo lagu dilay duqeyn ka dhacday Baraagta Gurguurte

Caydiid Ali

Al-Shabaab oo weerar khasaare geystay ka fuliyey gudaha dalka Kenya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---