Allbanaadir.com
NEWS

Khayre Oo la kulmay Wafdi Ka Socda Wasaaradda Difaaca Qatar (Daawo Sawirada)

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug ku qaabilay wafdi ka socda wasaaradda Gaashaandhigga dalka Qatar.

Kulanka Ra’iisul Wasaaraha iyo Saraakiisha Wasaaradda gaashaandhigga Qatar oo looga hadlay xoojinta taageerada Qatar ee dhismaha iyo qalabeynta ciidamada qalabka sida, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka amniga gudaha, wasuurudowlaha Wasaaradda Gaashaadhigga, Taliyayaasha ciidanka Xoogga, Booliska iyo Asluubta.

Dowladda Qatar ayaa ka qeyb qaadaneysa dhismaha ciidamada Xoogga Dalka, gaar ahaan dhismaha xarumaha ciidamada ee ku yaalla Dhuusamareeb arrintaas oo qeyb ka ah barnaamijka taakuleynta ciidamada dowladda Soomaaliya.

Wafdiga oo ay wehliyaan taliyayaasha ciidamada dalka ayaa wadajir qiimeyn ugu sameeyay xarumaha ciidamada ee ku yaalla magaalada Dhuusamareeb oo dib-u-dhis laga billaabayo.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay Qaramaynta ciidamadii Ahlusunna Waljamaaca si ay qayb uga noqdaan ciidamada qaranka, looguna diyaariyo ka qayb qaadashada xoreynta deegaannada Galmudug ay uga sugantahay kooxda Argagaxisada.

Tayeynta ciidanka xoogga dalka, dhismaha xarumaha ciidanka, iskudhafka iyo qalababeynta ciidanka, ayaa qeyb ka ah halbeegyada ugu waawayn ee Tubta Amniga Iyo Caddaaladda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Saraakiil iyo Ciidamo dagaal ka qeyb qaatay oo Maxkamadeyntooda laga wada hadlay

Cabdi Cade

Xildhibaanada Kutlada NISA oo xaalku ku xun yahay iyo Go’aankooda oo la sugayo

Cabdi Cade

Sheekh Aadan Madoobe oo arrimo muhiim ah kala hadlay Guddiga doorashooyinka Qaranka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---