Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Xubno la sheegay iney ka tirsan yihiin Al-shabaab & Daacish oo lagu qabtay Boosaaso

Ciidamada Puntland ayaa sheegay in howlgal ay ka sameeyeen magaalada Boosaaso ay ku soo qabteen xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo daacish isugu jira, kuwaasoo xarunta ganacsiga Puntland ka waday falal lidi ku ah amaanka.

War ka soo baxay Ciidanka PSF ayey ku sheegeen in sidoo kale howlgalka ay ku soo qabteen Agab kale iyo sahay loo waday Kooxahan inkastoo aysan faahfaahin ka bixinin.

“Ciidanka PSF hawlgal ay  ka fuliyeen gudaha Magaalada Boosaaso ayaa waxay ku soo qabteen 6 xubnood oo ka kala tirsan kooxaha cadowga ah ee Al Shabaab iyo Daacish iyo agab iyo sahay loo waday kooxaha cadowga ah ee Al Shabaab iyo Daacish” ayay ku yiraahdeen qoraalka .

Lama sheegin inuu jiro khasaare ka dhashay intii ay socotay qabashada xubnahan la sheegay iney ka tirsan yihiin Al-shabaab iyo daacish.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Militariga Itoobiya oo shaaciyey mudada ay ku soo afjarayaan qabashada Makelle

Caydiid Ali

Dil ka dhacay magaalada Muqdisho iyo faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Xassan Shiikh oo beri u ambabaxaya safar kale oo dibeda (Halkee ku sii jeedaa)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---