Allbanaadir.com
NEWS

Masuuliyiin iyo Taliyaal Ciidan oo caawa ku afuray Suuqa Bakaaraha (Daawo Sawirada)

Waxaa caawa Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho gaar ahaan laamiga Shirkadaha ku afuray Gudoomiyaha gobolka Banaadir ,kuxigeenadiisa, Taliyaha ciidanka booliiska, Gudoomiyaal degmo iyo masuuliyiin kale.

Afurka kadib ayaa masuuliyinta waxa ay shacabka salaada maqrib kula tukadeen suuqa weyn Bakaaraha gaar ahaan laamiga dhaxdiisa, waxaana amaanka masuuliyiintan sugayay ciidamo aad u badan oo suuqa la keenay.

Masuuliyiintan ayaana afurka kadib kormeer ku sameeyay qeybo kamid ah Suuqa oo xiligaasi ka jiray mashquul badan , waxaana suuqa ka dukaameesanayay dad isku diyaarinayay munaasabada ciida.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng:Yariisoow) ayaa tilmaamay in mowqifka maamulka gobolka Banaadir uu yahay sidii loo xoojin lahaay horumarinta Caasimadda iyo in bulshada si hufan loogu qidmeeyo.

Duqa magaalada Muqdisho ayaa digniin adag u diray ganacstada sida sharaci darada ah ugu ganacsata wadooyinka dhax mara suuqa bakaaraha kuwaas oo caqabad ku ah isku socodka suuqa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Qodob Meel Uga Dhacaya Qaranimmada Somalia oo ku jira Dastuurka Itoobiya (Akhriso)

Cabdi Cade

Xamaas oo maanta sii deyneysa afar gabadhoos oo Askar Israa’iiliyiin ah

Cabdi Cade

Maxaa ka soo baxay Wadahadalkii Madaxda Galmudug & Wasiirka Arrimaha gudaha?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---