Maxaa ka soo baxay Wadahadalkii Madaxda Galmudug & Wasiirka Arrimaha gudaha?

Wasiirka Arimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa maanta ku soo laabtay Magaalada Muqdisho, kadib markii 24 saacadood uu ku sugnaa magaalada Dhuusmareeb.

Wasiir Sabriye ayaa kulamo isdaba joog ah la yeeshay Madaxda Galmudug ee Garabka Dhuusamareeb oo ay ka mid yihiin Axmed Ducaale Geelle iyo Sheekh Maxamed Shaakir, kadibna wuxuu kulan muddo qaatay la yeeshay Hoggaamiyaha Ahlu Sunna Macalin Maxamuud.

Wasiirka Arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa intii aanu kasoo duulin magaalada Dhuusamareeb waxaa uu sheegay in kulamadii ilaa xalay xilli danbe uu la yeeshay horumar lagu gaaray, isla markaana uu sheegay inuu rajo weyn ka qabo in la dhammeeyo khilaafka Galmudug, isagoo aan bixin faahfaahin kale.

Wasiir Sabriye ayaa sheegay in wixii uu kala kulmay madaxda Galmudug uu kula laaban doono madaxda dowladda Soomaaliya, laakiin wararka ayaa sheegaya in qodobka ugu weyn ee la isku mari waayey uu yahay Doorashada Galmudug oo dowladda Soomaaliya ay dooneyso inay dhacdo aakhirka sanadkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -