Bambooyin & hub kale oo la qabtay iyo Xildhibaan ku lug yeeshay

Ciidamada amniga dowlada Somalia ayaa la sheegay iney magaalada Muqdisho ku qabteen hub ay ku jireen waxyaabo qarxa oo loo waday xildhibaan ka tirsan ka tirsan baarlamanka federaalka Somalia.

Wasaaradda amniga Xukuumada Somalia ayaa sheegtay in hubkan oo ay ku jiraan bambooyinka gacanta laga tuuro loo waday masuul xasaanad leh oo ka tirsan golaha shacabka inkastoo aysan sheegin magaciisa.

“Ciidanka Amniga ayaa gacanta Ku dhigay hub tiro badan oo la doonayay in loo gudbiyo mid ka mid ah masuuliyiin xasaanad leh oo ka tirsan golaha Shacabka, hubka waxaa ka mid ahaa Bambo gacmeedyo” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaarada.

Sida qoraalka ku xusan masuulka hubkan loo waday ayaa isku difaacay inuu doonayey amaankiisa inuu ku ilaaliyo balse Wasaarada amniga ayaa isweydiisay sida ay suuragal ku tahay in waxyaabo qarxa loogu adeegsado amni sugid.

“Masuulka loo waday hubkan, dooddiisu waxay u dhigan tahay bad-qabkayga ayaan ku dhowrayaa, Bambo gacmeed iyo walxa-qarxa nabadgalyo ma dhowraan ee iyagaa lid ku ah, waxaana loogu talo galay dagaal galid iyo gumaadka goobo la gali waayay ee maxay tahay baahida bambo gacmeed loo qabi karo iyo doorka ay ka qaadan karto Inaad is-dhowrto” ayaa lagu soo gebaghebeeyey qoraalka oo la soo dhigay bogga Wasaarada amnigu ku leedahay barta facebook.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -