Duqa Muqdisho oo Qorshaha Amniga Caasimada kala hadlay Simon Mulongo (Daawo Sawirada)

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Simon Mulongo Ku-simaha Madaxda Midowga Afrika iyo Taliyaha AMISOM ee Soomaaliya, iyagoo ka wada hadlay howlgallada shabelloyinka oo muhiim u ah Amniga Muqdisho iyo Qorshaha Amniga Caasimadda.

Guddoomiyaha iyo Saraakiisha ka scotay Midowga waxay isla falanqeeyeen muhiimadda uu amniga Caasimaddu u leeyahay xasilloonida dalka, iyagoo isku raacay in la dardargeliyo howlgallada Gobollada Shabellaha Hoose iyo Shebellaha dhexe looga sifeynayo kooxaha argagixisada, taasoo muhiim u ah amniga Caasimadda.

Eng.Yarisow ayaa tilmamay in saraakiisha Midowga Afrika ay isku af garteen in la sameeyo guddi farsamo oo ka socda labada dhinac, kuwaasoo ka wada shaqaynaya qorshaha Amniga Caasimadda.

“Maamulka Gobolka Banaadir waxa uu ka shaqeynayaa sidii loo xaqiijin lahaa amniga guud ee Caasimadda,si wadajir loogu fal-galo maadaama amnigu uu yahay mid dhinacyo badan quseeya, iyadoona aan kaashaneyno dhammaan dhammaan laamaha amniga ku shaqada leh.”

Saraakiisha ka socotay Midowga AfrIka ayaa uga mahadceliyey Maamulka gobolka Banaadir dadaalada xasilloonida loogu soo dabaalayo Caasimadda, iyagoo xusay in ay ka go’an tahay sidii guud ahaan dalka Amnigiisa loo xaqiijin lahaa.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku howllan sidii loo dardargelin lahaa amniga Caasimadda, si bulshada ku nool Muqdisho Xasillooni u helaan, isla markaana looga hortago falalka ay kooxaha argagixisadu u maleegayaan shacabka Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -