Wednesday, November 29, 2023
Home Blog

Faahfaahin: Qarax ka dhacay Garowe & Booliska Puntland oo War ka soo saaray

Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan qarax galabta ka dhacay magaalada Garowe gaar ahaan inta u dhexeysa wadada ka tagta Saldhiga Galbeed ee aada Bixin.

Saddex dhalinyaro ah ayaa la soo sheegayaa iney ku dhaawacmeen qaraxaas kuwaasoo lagu dabiibayo goobaha caafimaadka, Wararka qaar aya sheegaya in qaraxan uu ka dhashay haraaga waxyaabo qarxa oo la isku adeegsaday dagaalkii dhowaan ka dhacay magaalada Garoowe.

Taliska ciidanka Booliska Puntland ayaa qaraxaas iyo waxa sababay ka soo gaaray war kooban oo u qornaa sidan hoose.

“Abaaro 14:30 ayaa 3 dhalinyaro ah oo lagu kala magacaabo 1. Ana’s Ahmed Jaamac,  2. Ahmed Jaamac Cabdi 3. Ayuub   Cawil Cali  waxa ay ku dhaawacmeen xabad nooca loo yaqaan (37) oo ay ku qarqaraaceen agagaarka wadada katagta Saldhiga  Galbeed ee aada  Bixin ee Magaalada Garowe. Waxaana socoda baaris ay wadaan waaxda miina baarista ee Ciidanka Booliska Puntland gaar ahaan Gobolka Nugaal ay wadaan Baaritaano dheeri ah oo laxiriirta Dhacdadaas iyo waxa sabababay”

 

- Advertisement -

Muxuu Elon Musk ka yiri casuumadii ay u fidisay Xamaas inuu booqdo Gaza?

Maalqabeenka dhanka tiknoolajiyada ah ahma milkiilaha barta Twitter ayaa diiday casuumaad uu u fidiyay mas’uul ka tirsan ururka Xamaas si uu u booqdo marinka Qaza oo uu indhihiisa ku arko baaxadda burburka iyo khasaraha ku yimid dhulka ay Israa’iil duqeyso.

Musk ayaa sheegayin booqasho uu xiligan ku tago Gaza ay tahay mid halis ah oo aan suuragal aheyn.

“Waxay u muuqataa waxoogaa khatar ah hadda, laakiin waxaan aaminsanahay in Gaza oo barwaaqo ah ay u fiican tahay dhammaan dhinacyada,” ayuu yiri Elon Musk.

Shalay, Talaadadii, wakiilka dhaqdhaqaaqa Xamaas ee Lubnaan, Osama Hamdan, ayaa ku martiqaaday Elon Musk inuu booqdo marinka Qaza inta lagu guda jiro shir jaraa’id oo uu ku qabtay Beirut,

“Waxaan ku casuumaynaa Elon Musk inuu booqdo marinka Qaza si uu u arko xajmiga xasuuq iyo dembiyada laga galay dadkeena, iyadoo la raacayo halbeegyada wax-ku-oolnimada iyo kalsoonida Lagana guuro siyaasadda eexda iyo laba-wajiileyntaa ah ee lagula tacaalayo qadiyadda dadkeena iyo xuquuqdooda sharciga ah” ayuu yiri Hamdan.

Elon Musk ayaa booqday Israel ka dib casuumad loo fidiyey si loo soo tuso dhibaatooyinka ay Xamaas geysatay, iyadoo ninkan uu saaran yahay cadaadis ka yimid dalalka reer galbeedka oo diidan sida uu bartiisa Twitterka ugu fasaxay in lagu baahiyo dhaliilaha loo jeedinayo Israel.

 

- Advertisement -

Xassan Shiikh oo warbaahinta kala hadlay shacabka, diiradana saaray arrin taagan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhaw ka hadlay qasaaraha sii kordhaya ee ka dhashay fatahaadaha ka jira qaar ka mid ah gobollada dalka, isagoo xusay in qasaaraha dhimashadu korortay.

Daadadka ayaa saameeyey dad gaaraya 2.5-milyan oo qof, kuwaas oo hal milyan oo ka mid ah ay barakaceen, iyadoo dhimashada inta la diiwaangaliyey ay gaartay 101-qof.

Qasaaraha hantiyeed ee fatahaadaha iyo daadadku sababeen ayuu  Madaxweyne Xasan Sheekh ku sheegay in uu kordhay, waxaana daadadka lagu waayey 140-kun oo guri oo nuucyo kala duwan ah, 4-kun oo xoolo ah iyo kaabayaal dhaqaale oo ay ka mid yihiin buundooyinkii magaalooyinka Buur-dhuubo iyo Baar-dheere.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku baaqay in si aan kala har lahayn loogu gurmado bulshada Soomaaliyeed ee xaaladan dhibaatadu ka soo gaartay, kuwaas oo hoy, cunno iyo dawaba deg deg ugu baahan, isagoo xusay in dowladdu ay waddo dagaal xoogan oo lagu caawinayo dhibanayaasha, guddi gaar ahna loo saaray.

HOOS KA DAAWO HADALKA MADAXWEYNAHA

- Advertisement -

Wadahadal mar kale lagu kordhinayo xabad joojinta Gaza oo Doha ka socda

Wadahadallo xoogan ayaa ka socda magaalada Doxa ee dalka Qatar iyadoo wada-xaajoodayaashu ay ka shaqeynayaan sidii loo kordhin lahaa heshiis kale oo dhexmara Israa’iil iyo Xamaas.

Wadahadalada ayaa waxaa ka qeyb galaya taliyaasha Sirdoonka Mareykanka, Israel, Masaarida iyo masuuliyiin ka tirsan dowlada Qatar

Heshiiska hadda socda ayaa galay maalintiisii ​​lixaad oo laga yaabo inuu noqdo maalintii ugu dambeysay. Israa’iil ayaa sidoo kale la siiyay magacyada koox kale oo la haystayaal ah oo lagu wado in la sii daayo maanta..

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa ku sii jeeda bariga dhexe isaga oo hadafkiisu yahay: in la kordhiyo hakinta weerarka Israel ee Gaza.

Wuxuu ka sheegay shir jaraa’id oo uu qabtay Arbacadii in Maraykanku uu doonayo joojinta dagaalka si aan u sii wadno buu yiri helitaanka la haystayaal badan iyo gudbinta gargaar bini’aadanimo oo dheeraad ah.

“Waxaan kala hadli doonnaa Israa’iil sidii ay u xaqiijin lahayd in weerarradii argagixisanimo ee Oktoobar 7 aysan mar dambe dhicin, iyadoo la joogteyn doono lana kordhinayo gargaarka bini’aadantinimo lana yareynayo dhibaatada iyo khasaaraha kale ee soo gaaraya rayidka Falastiiniyiinta,” ayuu yiri dublamaasiga ugu sarreeya Mareykanka.

Blinken waxa uu ka qayb gali doonaa shirar ka dhici doona Israel, Daanta Galbeed, iyo Imaaraadka Carabta. Waxa uu iman doonaa Israa’iil iyadoo xabbad joojintii ay garwadeenka ka ahaayeen Maraykanka, Qatar iyo Masar ay qarka u saaran tahay inuu waqtiga ka dhaco.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya iney u badan tahay in xabad joojinta lagu daro saddex cisho oo ka bilaabanaysa beri oo Khamiis ah.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Mareykanku uusan rabin in dagaal dambe inuu ka dhaco Gaza, maadaama Israel ay ku fashilantay iney ka taqalusto Xamaas, guusha kaliya ee ay gaartayna ay noqotay xasuuqa shacabka Gaza.

- Advertisement -

(Sawirro) Howlgal lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab oo ka dhacay duleedka..

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan guutada 9-aad Qeybta 60-aad ee Gobolka Bakool ayaa maanta Howlgal lagu Ciribtirayo al-shabaab ka sameeyay tuulooyin hoos yimaada magaalada Xudur.

Howgalkan oo uu hogaaminayey Abaanduulaha Guutada 9-aad qabta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyed G/lle Yoonis Aadan Xassan ayey ciidanku ku burburiyeen fariisimooyin ay Al-shabaab ku lahaayeen degaanada Lukugooraw, Edaayin, Dabgal,  Ceel la haley Ilaa kulan-jareer,

Qoraal ka soo baxay ciidanka xoogga dalka ayaa lagu sheegay inay jiraan khasaaro xoog leh oo la gaarsiiyay cadawga kadib markii ay isku dayeen iney iska caabin sameeyaan.

Lama sheegin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay howlgalkaas oo ku soo beegmay xili Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ay gobolada dalka ka wadaan howlgalo guud ahaan dalka looga ciribtirayo al-shabaab.

- Advertisement -

Kenya Airways oo bilaabeysa Duulimaadkii Nairobi iyo Muqdisho & qiimaha tikirka oo..

Port of Bossaso somalia and a fish market

Shirkadda diyaaradaha Kenya Airways ayaa shaacisay in ay dib u bilaabeyso duulimaadyadii u kala gooshi jiray magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi ee hakadka galay.

Duulimaadkii shirkadda Kenya Airways ayaa hakaday bishii Agoosto ee sannadkii 2020 -kii ,kaddib markii uu dilaacay cudurkii Carona Virus , waxa ayna hadda shirkadda sheegtay in ay bilaababeyso duulimaad saddex maalin ah isbuucii.

Julius Thairu, oo ah Madaxa Ganacsiga iyo Macmiilka ee Kenya Airways oo ka hadlayay ka hor inta aan la bilaabin duulimaadka, ayaa yiri, “Waxaan aad ugu xiisayneynaa suurtagalnimada in dib loo yagleelo isku xirka Muqdisho iyo Nairobi iyada oo loo marayo KQ. Talaabadan ayaa la xiriirta ganacsiga sii kordhaya iyo tirada sii kordheysa ee isu socodka hawada Kenya iyo Soomaaliya.

Waxa uu intaa ku daray in diyaaradda Kenya Airways ay ka go’an tahay inay macaamiisheeda siiso adeeg tayo sare leh, isagoo intaa ku daray in ay ka shaqeenayaan kobcinta ganacsiga iyo maalgashiga.

Kenya Airways ayaa sheegtay in dib-u-soo-celinta duullimaadyada Muqdisho ay tahay qayb ka mid ah istaraatiijiyadda ballaarinta shabakadda Kenya Airways iyo ballan-qaadka looga golleeyahay horumarinta isku xirka qaaradda Afrika si ay gacan uga geystaan ​​horumarka dhaqaale ee mustaqbalka fog.

Qoraal lasoo dhigay barta Facebooka ee shirkadda Kenya Airways ayaa lagu shaaciyay in qiimaha tikitka uu noqonayo 1050 dollar, waxa ayna arrintan abuurtay hadal heyn badan, taa oo markii dambe sababtay in qoraalkaasi shirkadda ka tirto barteeda Facebook.

- Advertisement -

Golaha Shacabka oo maanta yeeshay kulan arrin taagan looga dooday

Kalfadhiga 4-aad kulankiisa labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS oo maanta uu shir guddoomiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa waxaa goob joog ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullahi Cumar Abshirow.

Kulanka ayaa waxaa uu ajandihiisu ahaa dhameystirka doodii socotay ee la xiriirtay xaalada fatahaadaha ka jira dalka iyo khasaarihii ka dhashay, iyo qeybtinta warbixinta xisaab xirka sanad maaliyadeedka ku dhamaaday 31-ka Decembar 2022-ka iyo qeybinta qoondaha Miisaaniyadda 2024.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa si isku mid ah ugu dooday ugana qiirooday qoysaska Soomaaliyeed ee wax yeeladu ka so gaartay fatahaada iyo daadadka ka dhashay roobabkii ka da’ay gobolada dalka, waxayna xildhibaannadu soo jeediyeen in hay’adaha dowladda u xilsaaratay arrimaha samafalka iyo mas’uuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS loo yeero.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo gunnaanaday kulanka maanta ayaa waxaa uu ku soo gabagabeeyay in loo yeero Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta iyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka si wax looga weeydiiyo xaalada fataahaadaha ka jira dalka iyo halka ay wax marayaan, maadaama Xildhibaannada soo jeediyeen.

- Advertisement -

Maamulka Jubbaland oo lagu wareejiyay qalab loogu tala galay wax soo saarka Calafka (Sawirro)

default

Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo ka qeyb galay munaasbaad kooban oo lagu wareejinayay qalab loogu tala-galay in looga faa’iidaysto wax soo saarka calafka xoolaha, ayaa sheegay in agabkani uu wax weyn ka tari doono horumarinta iyo helidda calaf ku filan xoolaha deegaanka.

Mashruucan oo lagu magacaabo RAAISE PROJECT ayaa waxaa maalgelinaysa Midawga Yurub iyada oo ay fulintiisa iska kaashanayaan hay’adda FAO iyo Waasaaradda Xannaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Jubaland, ayaa xoogga saaraysa sare u qaadista Wax soo saarka Dalka ee ILED (Inclusive Locol Economic Development), waxaana looga golleeyahay in xoolaha ku nool Jubaland ay helaan daaq ku filan, maadaama ay saameyn ku yeelatay dhulkii daaqa ku haboonaa isbeddelka cimillada adduunka.

Madasha wareejinta qalabkan waxaa goobjoog ahaa Wasiirka Wasaaradda xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa XFS mudane Xasan Xuseen Maxamed (Eeley), Wasiirka Wasaaradda Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Dowladda Jubbaland mudane Mohamed Nuur Cali (Nuuraani) iyo masuuliyiin kasocday Hay’adda FAO.

Madaxwaynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa sheegay in qalabkan uu muhiimad gaar ah u leeyahay horumarinta wax soo saarka dalka ee dalagyada noocyada kala duwan leh.

Madaxwaynaha ayaa faray Wasaaradda Xannaada xoolaha in qalabkan looga faa’iidaysto soo saaridda calaf ku filan xilliyada jiilaalka xoolaha ku dhaqan deegaanka.

default

- Advertisement -

Xamaas oo Elon Musk ku casuuntay magaalada Gaza kaddib markii uu tagay Israa’iil

KRAR AZA, ISRAEL - NOVEMBER 27: In this handout image provided by the GPO, Israel's Prime Minister Benjamin Netanyahu (C) takes Elon Musk (L) on a tour of Kibbutz Kfar Aza after the October 7th Massacre took place there, on November 27, 2023 in Kfar Aza, Israel. Billionaire and boss of the social network X, Elon Musk, travelled to Israel during the truce between Israel and Hamas. Musk is due to speak with Israeli President Isaac Herzog about the online fight against anti-Semitism. (Photo by Amos Ben-Gershom (GPO) Handout via Getty Images)

Ururka Xamaas ee maamula magaalada Gaza ee dagaalka dumiyay ayaa si shakhsi ah ugu  casuuntay in uu yimaado Elon Musk oo ah milkiilaha barta (X) ee horey loo oron jiray Twitter, si uu u arko dhibaatada ay Israa’iil ka geesatay magaaladaasi.

Casuumada waxaa Elon Musk u fidiyay sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas Osama Hamdan, waxa ayna casuumadan timid maalin kaddib markii  bilyaneer-ka tignoolajiyada booqday goobta lagu magacaabo kibbutz ah oo aheyd goobtii ay dadka badan ku laayeen xamaas.

Musk ayaana markii uu goobtan tagay arkay dhibaatadii halkaasi ka dhacday 7-dii October, waxa  uuna caddeeyay inay ka go’an tahay inuu sameeyo wax kasta oo lagama maarmaan ah si loo joojiyo fiditaanka nacaybka.

Sargaalka Xamaas katirsan ayaana ugu baaqay milkiilaha barta X in uu tago dhulka Falastiin gaar ahaan magaalada GAZA, si uu usoo arko baaxada ay la egtahay duqeymaha Israa’iil magaaladaasi ku garaaceen.

“Waxaan ku martiqaadeynaa inuu booqdo Gaza si uu u arko heerka xasuuqa iyo burburinta lagu hayo dadka Gaza, iyadoo la raacayo heerarka ujeeddooyinka iyo kalsoonida,” Hamdan ayaa ku sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Beirut.

“50 maalmood gudahood, Israa’iil waxay ku tuurtay in ka badan 40,000 oo tan oo walxaha qarxa ah guryaha Gazan-ka oo aan difaac lahayn,” ayuu sarkaalkan Xamaas katirsan hadalkiisa ku daray.

Sarkaalka Hamas ayaa sidoo kale ugu baaqay Maraykanka “inay dib u eegis ku sameeyaan xiriirka ay la leeyihiin Israa’iil oo ay joojiyaan hubkooda,” iyo in beesha caalamku ay si degdeg ah u soo dirto kooxo khaas ah oo difaaca madaniga ah si ay gacan uga geystaan ​​soo saarista kumanaan meydad ah oo ku hoos jira burburka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -

Al Shabaab oo bilowday in ay qarxiso goobaha ganacsi ee fuliya ammarka dowladda

Kooxda Al Shabaab ayaa beegsi ku bilowday goobaha ganacsi ee kuyaalla magaalada Muqdisho qaarkood , kaddib markii ganacsatada qaar u hoggaansameen ammar kasoo baxay dowladda oo ahaa in ay xirtaan kaamirooyinka CCTV.

Qarax nuuca miinada ah ayaa xalay lagu qarxiyay dukaan lagu iibiyo qalabka baabuurta oo kuyaalla isgooska Black Sea ee degmada Hodan, waxaana qaraxaasi ka dhashay khasaaro soo gaaray goobtaasi ganacsi.

Sida aan xogta ku helnay goobtaan ganacsi ayaa la qarxiyay kaddib markii milkiilaha goobtaasi fuliyay ammar kasoo baxay ciidanka Nabad sugida oo ahaa in uu ku xiro goobtiisa ganacsi kaamiirooyinka sida qarsoodiga wax u duuba ee CCTV.

Goobaha ganacsi ee kuyaalla magaalada Muqdisho ayaa intooda badan xiran, kaddib markii ganacsatada goobahaasi leh lagu amray in ay xirtaan kaamirooyinka CCTV, waxa ay sidoo kale ganacsatada farriimo hanjabada ah kala kulmayaan dhinaca Al Shabaab.

Al Shabaab ayaana ku hanjabtay in ay dhibaateen doonaan ganacsatadii fulisa ammarka dowladda ee xirta kaamirooyinka CCTV, waxa ayna ganacsatada Muqdisho noqdeen kuwa ku dhax dhibaatoonooya labo awoodood oo iska soo horjeeda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -

News in English

Any Further Delay in Completing the Constitution will lead to Total...

The decade-long delay in the completion of the Provisional Federal Constitution (PFC) is major threat to statebuilding in Somalia. Although one of the reasons...

Xulka Allbanaadir

HINNA Jobs

HINNA as a local humanitarian organization, established in 2003 for providing humanitarian support to the vulnerable and marginalized populations in south and central Somalia, HINNA...