Allbanaadir.com
NEWS

Qarax labaad oo goordhaw ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Waxaa goordhaw qarax kale oo xoogan si weyna looga maqlay magaalada Muqdiho uu ka dhacay meel ku dhaw Taalada Daljirka Dahsoon oon sidaa uga fogeyn xarunta Tayaatarka Qaranka oo daqiiqado kahor ka dhacay qarax kale oo xoogan.

Qaraxa labaad ee dhacay ayaa la sheegay in uu ka dhashay gaari waxyaabaha qarxa ka buuxeen oo la dhigay meel ku dhaw Taalada Daljirka Dahsoon , waxaana qaraxan uu dhacay intii lagu mashquulsanaa qaraxii hore.

Ciidamo isugu jira Milatari iyo booliis ayaa xiray halka qaraxyadu ka dhaceen iyo wadooyinka soo gala, waxa ayna ciidamada dadka ku amrayaan in aysan usoo dhawaan goobaha ay qaraxyadu ka dhaceen.

Khasaaro ayaa jira oo ka dhashay qaraxyada xoogan ee goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana qaar kamid ah Isbitaalada Muqdisho la geeyay dad dhimasho iyo dhaawac ay kasoo gaareen qaraxyada xoogam.

Waxii Warar ah ee soo kordha la Soco

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dhalinyaro Xabsigoodii Dhameystey oo wali xiran iyo Waalidiintooda oo Codsi u Direy Dowlada Federaalka

Cabdi Cade

Somalia iyo Itoobiya oo Muqdisho ku kala saxiixday heshiisyo cusub (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Putin oo ammar siiyay ciidamada Ruushka ee ku sugan xadka Ukrine

Cabdi Cade
Taboola Ads ---