Allbanaadir.com
NEWS

Sheekh Aadan Madoobe oo dalka Imaaraadka kula kulmay Saqr Ghobash

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, ayaa magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta kula kulmay dhigiisa Baarlamaanka Imaaraadka Carabta Mudane Saqr Ghobash.

Kulanka labada guddoomiye Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa diirada lagu saaray xoojinta xiriirka labada dowladood gaar ahaan labada baarlamaan, iskaashiga iyo wada shaqeynta labada dhinac iyo sidii kor loogu qaadi lahaa.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa dhigiisa Imaaraadka kaga mahad celiyay casuumaada rasmiga ah ee uu u sameeyay iyo qaabilaada heerkeeda sarreeyay ee ka dhacay xarunta baarlamaanka dowladda Imaaraadka Carabta.

Wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxaa qeyb ka ah Guddiga Saaxiibtinimada Baarlamaanada Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta iyo sidoo kale xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ku matala Baarlamaanka Jaamacada Carabta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kooxo hubeysan oo dil u geestay ganacsade Xuseen Cadaw Maxamuud

Cabdi Cade

Daawo Sawirada: Wasiir Ahmed Isse Awad oo xilkiisa si rasmi ah ula Wareegay 

admin

Shuruud yaab leh oo lagu xiray dadka qaadanaya dhalashada dalka Jarmalka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---