Allbanaadir.com
NEWS

RW Xamse Barre oo la kulmay Madaxweyne Joe Biden

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Ra’iisul Wasaare Hamza Abdi Barre, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, intii lagu guda jiray shirka guud ee Qaramada Midoobay ee magaalada New York.

Kulanka Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo xiriirka istiraatijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa uga mahadceliyey dowladda Mareykanka iyo shacabkeeda taageerada joogtada ah ee ay siiyaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada muhiimka ah ee amniga, dib-u-dhiska dowladnimada, iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada caalamiga ah.

Ra’iisul Wasaare Xamsa iyo Madaxweyne Biden ayaa mar kale xaqiijiyay madax-bannaanida, midnimada, iyo gobonimada dhuleed ee Soomaaliya, iyagoo qiray in ay muhiim u tahay xasilloonida gobolka Geeska Afrika.

President Joe Biden and First Lady Jill Biden participate in a photo line at a reception for United Nations General Assembly leaders, Wednesday, September 25, 2024, at the Metropolitan Museum of Art in New York City (Official White House Photo by Adam Schultz)

Related posts

Muuse Suudi oo Shaaciyay Sababta uu u neceb yahay Madaxweyne Farmaajo !!

Cabdi Cade

Nabadoon Caan ah oo Muqdisho lagu dilay Xili uu Masjid uu kasoo baxay

Cabdi Cade

Sirdoonka Soomaaliya oo gacanta ku dhigay Xubno u hoggaansamay baadda Al Shabaab

Cabdi Cade
Taboola Ads ---