Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Askari lagu dilay Muqdisho & ciidanka Booliska oo qabtay ninkii dilka geystay

Taliska Booliska magaalada Muqdisho ayaa shaaciyey in la qabtay askari maanta askari kale ku dilay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho kaasoo ay sheegeen inuu haatan xiran yahay, lana horgeynayo Cadaalada.

Dilka askariga ayaa waxaa ka carooday dadweyne fara badan oo dibed bax kooban oo rabshado watay ka dhigay agagaarka isbitaalka Banaadir.

Sida wararku sheegayaan askariga la dilay ayaa ilaalo ka ahaa Ceel ku yaalla xaafada dab damiska ee degmada Wadajir

HOOS KA AKHRISO QORAALKA BOLISKA

Abaare 14:00 PM, ayaa la dilay Marxuum ex- Booliis Daahir Cabdi Axmed, ina Salaado Maxamed Geedi 45 jir ku dhashay Mudug, deganaa Wadajir, kaas oo lagu dilay Degmada Wadajir gaar ahaan waaxda Xaawo-taako.

Eedeysane Booliis, Mowliid Maxamuud Axmed, oo ku eedeeysan dilka marxuumka, ayaa Ciidamada Amaanku gacanta ku dhigeen, hadana wuu xiran yahay, waxaan ku socota baarista si cadaalada loo horgeeyo.

Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, ayaa ka xun dhacdadaas foosha xun. Eedeysanuhu si deg deg ah ayu cadaalada ku wajahayaa.

Wa bilaahi towfiiq.

 

Related posts

Madaxweyne Xasan oo u mahadceliyay Masuuliyiin katirsan Bangida Adduunka iyo IMF

Cabdi Cade

Xiisada Belad-weyne oo weji cusub yeelatay & Muuse Biixi oo seefta galka kala baxay

Caydiid Ali

Derbiga Kenya ka dhisayso xadka Somalia oo burburin lagu bilaabay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---