Allbanaadir.com
NEWS

Xisbiga Waddani oo War kasoo saaray Heshiiska Muuse Biixi iyo R/W Abiy Axmed

War-saxaafadeed goordhaw kasoo baxay xisbiga mucaaradka ee kajira Somaliland ee Waddani ayaa looga hadlay heshiiska madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi shalay la galay Ra’iul Wasaaeaha dalka Itoobiya Abiy Axmed.

Xisbiga Waddani warka kasoo baxay ayaa lagu sheegay in heshiisyo is khilaafsan oo aysan la ogeyn xisbiyadda mucaaradka iyo golayaasha sharci-dejinta Somaliland la galay dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowladda Itoobiya.

War-saxaafadeedka Xisbiga Waddani ayaa lagu sheegay in ay u taagan yihiin ilaalinta madax-bannaanida iyo Qarannimada Somaliland, waxa ayna xuseen in ay soo dhaweenayaan haddii uu jiro aqoonsiga Itoobiya .

Ugu Dambeyn xisbiga Waddani ayaa ka digay wax kasta oo xad-gudub ku ah karaamada ummadnimo iyo jiritaanka Somaliland , waxa ayna ka dalbadeen Muuse Biixi in uu soo bandhigo heshiisyada uu la galay dowladda Federaalka iyo xukuumadda Adis Ababa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Khatar Laba Afle ah – Maxaa Ruushka Dib Ugu Soo Celiyey Waqooyiga Geeska Afrika ?

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo shacabka ugu hambalyeeyey Munaasabada Ciidul-Fitriga

Caydiid Ali

Kenya oo xanibaad saartay qeybo ka tirsan Gedo & dowlada Somalia oo shaacisay xiliga..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---