Allbanaadir.com
NEWS

Saraakiil iyo Ciidamo ku qul qulaya Maxaas iyo Abaabul dagaal oo halkaasi ka socda

Wararka ka imaanaya degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo abaabul xooggan oo dagaal, kaa oo ay wadaan ciidanka milatariga Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka .

Ciidamo aad u tiro badan iyo saraakiil milatari ayaa gaaray maalmihii lasoo dhaafay degmada Maxaas, waxaa sidoo kale magaaladaasi ku sugan masuuliyiin kala duwan ay ku jiraan xildhibaanno, kuwaa oo iyana abaabulka qeyb ka ah.

Abaabulkan ciidan ee ka socda degmada Maxaas ayaa ku wajahan bariga gobolka Galgaduud, gaar ahaan degmada Ceelbuur , oo dhawwaan ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka dib uga soo baxeen.

Saraakiisha ciidanka iyo masuuliyiinta kale ee jooga degmada Maxaas ayaa diyaarinaya istaraatiijiyad iyo qorshe dagaal oo la doonayo in lagu wajaho bariga gobolka Galgaduud ay heestaan kooxda Al Shabaab.

Qaar kamid ah ciidankii dhawwaan kasoo baxay degmada Wabxo iyo degmada Ceelbuur ayaa hadda ku sugan degmada Maxaas, waxa ayna ciidankaasi mar kale isku diyaarinayaan in ay dib ugu laabtaan Wabxo, Ceelbuur iyo deegaanno kale.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Lacagaha ay ku xajinayaan xujeyda reer Afgaanistan oo ka yar kuwa Soomaaliya

Cabdi Cade

(Akhriso) Maraykanka oo War kulul ka soo saaray xilka ka qaadistii lagu sameeyey Khayre

Caydiid Ali

Axmed Maoobe oo Afmadow u tagay qiimeynta dhibaato halkaasi ka jirta (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---