Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo Qatar uga mahad-celiyay teegeero ay siiso Soomaaliya (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Qatar ee Soomaaliya Mudane Cabdalla Binu Saalim Al-Nuceymi oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaadshiga ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa uga mahad-celiyey Dowladda Qatar taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, horumarinta adeegyada asaasiga ah iyo gargaarka.

Dhankiisa, Danjire Cabdalla ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay mar walba la garab taagan yihiin Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo soo saaray Xeer Golle cusub lagu abuuray (Akhriso)

Cabdi Cade

Dayuurad ay leeyihiin ciidanka Israel oo dhulka la soo dhigay & Wararkii ugu danbeeyey

Caydiid Ali

Wasiirka Caafimaadka Britain oo la ilmeeyay qisada Wiil Soomaali ah oo u dhintay Caronavirus 

Cabdi Cade