Rabshado iyo boob xoogan oo maanta ka dhacay magaalada Adis Ababa

Magaalada Adis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya waxaa maanta ka dhacay dibad baxyo rabshado watay oo ay dhigayeen dhalinyaro careesan, waxaana rabshadahan lagu boobay Suuqyo ganacsi oo kuyaala magaalada Adis Ababa.

Dadka banaan baxa dhigayay ayaa ku qamaamay boob xoogan ka geestay labada suuq ee ugu wayn magaalada Addis Ababa ee kala ah Biyaasa iyo Marakaato, waxaana dadkan la arkayay iyaga oo u dhacaya xarumaha ganacsi ee kuyaalay suuqyadaasi.

Ciidamada amaanka magaalada Adis Ababa ayaa ku guul dareestay in ay si deg deg ah u joojiyaan rabshadaha xoogan, waxa ayna ciidamada xireen boqolaal qof oo ku lug lahaa rabshadaha ka dhacay qeybo kamid ah magaalada Adis Ababa.

Taliyaha guud ee booliska Itoobiya Zeyinu Jamal ayaa sheegay in la xir xiray dad badan oo ku lug lahaa rabshadaha dhacay, waxa uuna intaa raaciyay dadka rabshadaha dhigayay qaarkood isku dayeen in hubka ka qaataan ciidamada amaanka.

Rabshado ay ku dhinteen dad ka badan 20-qof ayaa dhawaan ka dhacay Adis Ababa gaar ahaan degmada Buraya , waxaana rabshadahan dhimashada sababtay dhaceen xili lasoo dhaweenayay hogaamiyaha Mucaaradka Jabhada OLF oo Adis ababa kusoo laabtay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -