Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xassan Shiikh oo dhambaal ka gudoomay Gen.Muhoozi wiilka uu dhalay Musaveni (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Janaraal Muhoozi Kainerugaba oo ah La Taliyaha Sare ee Hawlgalada Gaarka ah ee Madaxweynaha Uganda ahna wiilka uu dhalay  Yoweri Museveni.

Madaxweynaha ayaa ka guddoomay Janaraal Muhoozi dhambaal uu ka siday Madaxweynaha dalka Uganda Mudane Yoweri Kaguta Museveni oo ku saabsan xiriirka labada dal iyo Iskaashiga dagaalka ka dhanka ah waxa loogu yeeray argagixisada oo khatar ku ah xasilloonida iyo horumarka Gobolka.

Dhankiisa, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga warramey wafdiga Uganda sida ay u socdaan hawlgallada dalka ka dhanka ah argagixisada, caqabadaha jira iyo dhinacyada ay dananeyso dowladda Soomaaliya in laga kaabo, si ay ugu guuleysto halgankan, waxa uuna uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Uganda garab istaagga xasilloonida Soomaaliya iyo sida ay dhiig iyo hantiba ugu hureen dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo dacwad ku soo oogay 36 nin oo ajnabi ah (Sababta)

Caydiid Ali

Maraykanka oo laga dalbaday inuu Magdhaw ka bixiyo rayidka uu ku laayey Somalia

Caydiid Ali

Wasiirka Arrimaha dibadda ee Shiinaha oo gaaray magaalada Addis Ababa (Sawiro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---