Dhaqaatiir Ajaaniib ah oo sameenaysa Qaliino iyo Daaweyn kala duwan oo Muqdisho timid

Isbitaalka Daaru Sihha ee magaalada Muqdisho waxaa beri oo Jimco ah imaanaya Dhaqaatiir u dhalatay Dalka Hindiya oo sameenaya qaliino loo isticmaalayo qalabka leesarka oo casri ah iyo sidoo kale daaweynta cuduro kala duwan.

Dhaqaatiirta Isbitaalka Daaru Sihha ee Muqdisho imaaneysa ayaa waxaa kamid ah Dhaqtar ku taqasusay Xanuunada Lafaha, iyo Sinaha ku dhaca iyo sidoo kale Kabka lafaha jajaban iyo badelida jilbaha iyo sinaha .

Waxaa sidoo kale dhaqaatiirta Imaaneysa Isbitaalka Daaru Sihha kamid dhaqtar ku taqasusay Qaliimada Kilyaha Dhagxaanta ku jira, Qanjirada kaadimareynta borosteedka TURB, waxa sidoo kale daweenayaan Cudurada ku dhaca kilyaha sida Infakshinka  iyo dhalmo la’aanta xaga raga (Male Infirtility Treatment )

Dhaqaatiirtan u dhalatay dalka Hindiya ayaa ah kuwa ku xeel dheer qaliinada iyo daaweynta cudurada aan soo sheegnay iyo kuwa kale , waxa ayna ka howlgalaan Isbitaalo waa weyn oo kuyaala dalka Hindiya.

Isbitaalka Daaru Sihha ee magaalada Muqdsisho ayaa dadaal badan ku bixiyay in ay dalka keenaan dhaqaatiirtan oo ahaa kuwii loo aadi jiray dalka Hindiya, waxa ayna Dhaqaatiirtan Muqdisho joogayaan kana howl galayaan Isbitaalka Daaru Sihha mudo 10-maalin ah.

Is qorista waxa ay ka socotaa xarunta Isbitaalka Daaru Sihha oo kuyaala magaalada Muqdisho gaar ahaan Laamiga KM-6 agagaarka Jaamacada Banaadir, waxaana dhaqaatiirta Isbitaalka ka howlgali doonaan 01/09/2018 ilaa 7da bisha.

Hadaba ka Faa’’iideeso fursadan qaaliga ah ee dalkaaga laguu keeno Dhaqaatiirtii Hindiya loo aadi jiray

Waxii Faah Faahin ah kala Xiriir Isbitaalka Daaru Sihha oo kuyaala magaalada Muqdisho gaar ahaan Laamiga KM-6 agagaarka Jaamacada Banaadir.

Kala Xiriir Telfoonadan kala ah: 0613088606 ama 0613088556 0616333608

Email :Darusihha2020@gmail.com

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -