Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan oo Arrimo muhiim ah kala hadlay Wasiir Pekka Haavist (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Aqalka Madaxtooyada ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda Finland Mudane Pekka Haavisto iyo xubno la socday.

Xasan Sheekh iyo Wasiirka arrimaha dibadda Finland ayaa kulan ay yeesheen waxa  ay kaga  wadahadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga arrimaha faa’iidada u leh labada dal.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Finland Mudane Pekka Haavisto ayaa madaxweynaha ku ammaanay guulaha ay gaartay dowladda Soomaaliya mudda uu xilka hayay, waxa uuna uu ballanqaaday in dowladda Finland taageero dheeraad ah siineyso Soomaaliya.

Dowladda Finland oo dhawwaan ku biirtay Gaashaanbuurta NATO ayaa kamid ah dowladaha Soomaaliya ka taageera dhinacyo badan , waxa ayna dowladan mar kale Soomaaliya u ballanqaaday in ay sii wadeyso taageerada ay siiso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ahlu Sunna oo muddo kadib dhaqdhaqaaq ciidan ka billowday Galmudug..!!

Caydiid Ali

Dil loo geystay Mid ka mid ah ciidanka beesha la wareegtay Laascaanood

Caydiid Ali

Mareykanka oo shaaciyay in Weerarkii Calmiskaad ku dileen Axmed Maeleninine iyo xubno kale

Cabdi Cade
Taboola Ads ---