Hooyada Osama oo Markii ugu horeeyay Warbaahinta la hadashay (Daawo Sawiro)

Hooyada Dhashay Hogaamiyihii Ururka Al Qaacida Osama Bin Ladin ayaa markii ugu horeesay Warbaahinta la hadashay, waxa ayna ka sheekeesay  wiilkeeda sidii uu ugu biiray kooxda Al Qaacida.

Alia Ghanem ayaa sheegtay in wiilkeeda Osama Bin Ladin uu ahaa nin  aad u wanaagsan balse la duufsaday, waxa ayna xustay in wiilkeeda xagjir laga dhigay markii uu ku biiray jaamacad ku taala dalka Sacuudiga.

Hooyada Osama Bin Ladin oo Wareysi siisay wargayska The Guardian ayaa sheegtay in aysan ku faraxsaneyn in wiilkeeda xagjir noqdo ayna uga digi jirtay in uu kamid noqdo kooxaha xagjirka ah.

Waxa ay sheegtay Alia Ghanem in Wiilkeeda Osma uusan waligii u sheegin waxyaabaha uu samaynayo , waxa ayna sababta ku tilmaantay in wiilkeeda uu aad u jeclaa markastana niyada u dhisi jiray.

Hogaamiyihii Ururka Al Qaacida Osama Bin Ladin ayaa lagu dilay howlgal Ciidamada Mareykanka ka fuliyeen gudaha dalka Pakistan, waxaana Osama loo heestay in uu maleegay weerarkii daaraha Mareykanka lagu qaaday sanadkii 2001-dii.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -