Qaraxyo Xooggan oo goordhaw lagu weeraray Hotelka Hayaat iyo Rasaas xilligan la maqlayo

Waxaa goordhaw qaraxyo waa weyn oo si weyn jugtooda looga maqlay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho lagu weeraray Hotelka Hayaat ee kuyaalla agagaarka Isgooska KM-4 ee magaalada Muqdisho.

Qaraxyada kadib ayaa rag hubeesan waxa ay gudaha u galeen dhismaha Hotelka Hayaat m halkaas oo lasoo sheegayo in ay ka dhacayaan rasaas u dhaxeysa ciidamada amaanka iyo kooxaha hubeesan ee galay hotelka.

Ciidamo katirsan dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ayaa gaaray hotelka qaraxa lagu weeraray sidoo kale raga hubeesan ay galeen , waxa ayna ciidamada doonayaan in ay soo afjaraan weerarka.

Khasaaraha ka dhashay qaraxyadan goordhaw dhacay iyo rasaasta la maqlay ayaan sidoo kale la ogeyn inta ay la egyihiin, waxaana aaga wax ka dhaceen gaaray ciidamo badan iyo gaadiidka gurmadka degdega.

Waxii warar ah ee soo kordha kala soco wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -