Nin 14 sano ka hor laayey dad ku sugnaa Suuq weyn oo xukun dil ah lagu fuliyey

Japan ayaa xukun dil ah ku fulisay nin 39 sano jir ah oo sanadkii 2008-dii todoba qof ku laayey magaalada Tokyo ee caasimadda Japan.

Ninkan ayaa xiligaas weeraray xarun laga dukaameysto oo ay joogeen inta badan dadka uu laayey.

Dil wadareedkan uu geystay Tomohiro Kato ayaa la sheegay inuu ahaa mid kamid ah dilalka ugu arxan daradda badan taariikhda waddankaasi Japan.

25 sano jir ayuu ahaa markii uu xili duhur ah gaari tareen ah jiirsiiyay dad shacab ah, kuwaasoo ku sugnaa suuqa Akihabara, waxaana ku dhintay sadex qof.

Ninkan ayaa ka degay gaariga isagoo ka dibna mindi geliyay dad ku sugnaa isla goobtaas, wuxuuna weerarkaasi ku dilay afar qof halka sideed kalena uu ku dhaawacay.

- Advertisement -