Allbanaadir.com
NEWS

Shir Amniga sii xumaanaya ee Caadimadda looga hadlayay oo Muqdisho ka dhacay (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa shir gudoomiyay kulan gaar ah oo ujeedkiisu ahaa Amniga Caasimadda kaas oo ka dhacay xarunta Aqalka Dowlada Hoose Xamar.

Kulankan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee maamulka gobolka Banaadir ahna ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda, Taliyaha qeybta guud gobolka Banaadir ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Taliye ku-xigeenka qeybta guud, Maamulada degmooyinka iyo Taliyaasha Saldhigyada.

Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Filish ayaa saraakiisha amniga iyo Maamulada Degmooyinka ee shirkan ka qeyb galay u sheegay inaan la aqbali karin falalka amnirada la xariira ee ka dhaca Caasimadda islamarkaana ay muhiim tahay xoojinta wada shaqeynta iyo in gacan adag lagu qabto cid kaste oo halis ku ah nabadgalyada bulshada.

Shirkan oo ahaa mid islaxisaabtan ah ayaa waxaa aad looga dooday soo gudbinta caqabadaha ka jira dhinaca amniga iyo sida ugu fudud ee loo xalin karo, iyadoo ugu dambeyn la faray Taliyaasha amniga iyo madaxda Degmooyinka in talaaba deg deg ah laga qaado kooxaha burcadka ah iyo Dhallinyarada la magacbaxday ciyaal Weero kuwaas oo halis ku ah horumarka iyo xasiloonida magaalada Muqdisho.

Related posts

Daawo:-Finalkii ugu xiisaha badnaa oo Lasoo gabagabeyay & Rooble oo Ka farxiyay kooxdii guuleysatay

admin

Banaan baxyo ruxay Jigjiga kadib markii la geenay Meydadka dad la laayay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Jarmalka oo qaaday tallaabo adag oo ka dhan ah qul qulka Qaxootiga

Cabdi Cade
Taboola Ads ---