Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaano tagay Hoolka ay ka dhaceyso Munaasabadda dhaarinta Xildhibaanada

Waxaa maanta lagu wadaa in teendhada xerada Afisiyooni ka dhacdo munaasabadda lagu dhaarinayo xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ee qaatay shahaadada Xildhibaanimo.

Munaasabadda dhaarinta Xildhibaanada oo ah mid weyn oo lawada sugayay ayaa la filayaa in ay ka qeyb galaan masuuliyiin katirsan dowladda iyo sidoo kale wakiiladda Beesha caalamka u jooga Soomaaliya.

Qaar kamid ah Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka federaalka ayaa durba sii xaadiray teendhada ay ka dhaceyso munaasabadda dhaarinta, waxaa sidoo kale la filayaa in xildhibaanada harsan saacadaha soo aadan iyana gaaraan hoolka.

Sida aan wararka ku heleyno munaasabadda dhaarinta ayaa lala sugayaa xildhibaanada Koonfur Galbeed oo goordhaw imaanaya magaalada Muqdisho si ay u qaataan shahaadada iyo ID-cardka qeybna uga noqdaan munaasabadda dhaarinta.

Dhaarinta Xildhibaanada ayaa haddi maanta dhacdo waxaa meesha ka baxaya hubanti la’aantii iyo welwelkii laga qabay qabsoomida doorashada guddoonka labada aqal iyo tan Madaxweynaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Qarax xooggan oo goor dhow ka dhacay Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

(Akhriso) Dowlada Somalia shaacisay in la dilay hogaamiye sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab

Caydiid Ali

Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay xerada milatariga ee Turkiga ku leeyahay Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---