Allbanaadir.com
NEWS

Raisul Wasaare Rooble oo arrimo muhiim ah kala hadlay Safiirka Mareykanka (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la yeeshay safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Mudane Larry Andre oo ay ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka dalka, iyadoo ay heer gebogebo ah mareyso doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee BFS.

Ra’iisu Wasaare Rooble iyo Danjire Andre ayaa ka wada hadlay habsami u socodka doorashada iyagoo isla soo qaaday sida ay lagama maarmaan u tahay in doorashada xildhibaannada Golaha Shacabku ku soo idlaato xilligii ay horay ugu heshiiyeen madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ee 15-ka Maarso.

Ra’iisul Wasaaraha Soimaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa oo soo dhaweeyay xowliga ay ku socoto doorashada, iyadoo ilaa hadda la doortay 80% xildhibaannada Golaha Shacabka.

Rooble ayaa sheegay in aan la aqbali karin dib u dhac kale oo doorashada ku yimaada, waxa uuna Ra’iisul Wasaaruhu ka codsaday madaxweyneyaasha dowlad-goboleedyada in ay doorashada soo gebogebeeyaan ugu dambeyn 15-ka Maarso sidii horay loogu heshiiyay.

Related posts

Maxamed Mursal oo cadeeyay Sababta uu uga soo guuray Madaxtooyada (Akhriso)

Cabdi Cade

Dowlada Somalia oo warbixin ku soo bandhigtay shirka Arab Forum For Equality (Sawirro)

Caydiid Ali

Labis uu caan ku yahay William Ruto oo laga mamnuucay Baarlamaanka Kenya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---