Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dibed-baxyo ka bilowday Magaalada Boosaaso & amarkii Puntland oo la jebiyey

Waxaa goor dhow ka bilowday Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari dibad-bax Cabasho ah oo ay dhigayaan qaar kamid ah Bulshada ku nool Magaaladaasi, iyadoo Puntland ay horey uga digtay dibed-baxan.

Dadka isku soo baxay oo u badan haweeney iyo dhalinyaro ayaa ka cabanaya hannaanka loo qaybiyay Waaxyaha kala duwan ee Magaalada Boosaaso, waxayna xireen wadooyinka qaar, iyagoo dhagxaan ku jaraya sidoo kalena taayaro ku gubaya.

Erayo ay ku diidan yihiin hannaanka loo qaybiyay waaxyaha Magaalada Boosaaso ayey Banaanbaxayaasha ku dhawaaqayaan waxaana dibadbaxa uu saameyn ballaaran ku yeeshay isku socodka Gaadiidka iyo Ganacsiga magaalada.

Ciidamo ka tirsan Puntland ayaa lagu daadiyey magaaladaas saaka si ay uga hortagaan banaanbaxaas, hase ahaatee kuma guuleysan iney joojiyaan.

Guddoomiyaha Gobolka Bari Cabdisamad Yuusuf Maxamed (Abwaan) ayaa horey digniin uga bixiyay banaanbaxa maanta ka socda magaalada Boosaaso, isagoo xusay iney talaabo adag ka qaadi doonaan cid kasta oo ka qeyb qaadata banaanbaxan.

“Dadka banaanbaxa ka abaabulaya magaalada Boosaaso iyo kuwa isqarxiya waa isku mid oo amniga ayey lidi ku yihiin, talaabo adag ayaana ka qaadeynaa cidii isku dayda iney amniga wax u dhinto” ayuu yiri.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Duuliye isaga oo hawada ku jira geeriyooday iyo wixii diyaarada ka dhax dhacay geeridiisa kadib

Cabdi Cade

Taliyaha NISA Mahad Salaad oo ka qeyb galaya Shir Arrimo muhiim ah looga hadlayo

Cabdi Cade

Israa’iil oo baahisay muuqaal ku saabsan dadka Xamaas afduubatay oo Isbitaal la geenayo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---