Ciidanka Danab oo dilay Saraakiil Al Shabaab katirsan hubna gacanta ku dhigay (Sawirro)

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee la wareegay deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa la sheegay in deegaankaasi ku dileen saraakiil iyo dagaalyahano katirsan Al Shabaab.

Taliyaha guutada 16-aad kumaandooska Danab  G/lle Ismaaciil Cabdilmaalik Maalin ayaa sheegay in howlgalka Janaale ciidankooda ku dileen labo sargaal oo katirsan Al Shabaab iyo dagaalyhano kale oo katirsan kooxdaasi.

Waxa uu sheegay taliyaha in ciidanka Danab dileen nin lagu magacaabo Siciid dheere uu sheegay in uu ahaa sargaal jabhadaha Al Shabaab u qaabilsanaa degaanka Ceel-saliini ilaa Janaale iyo sargaal Bukhaari oo isna qaabilsanaa degaanka Jannaale.

G/lle Ismaaciil Cabdilmaalik ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada Danab howlgalka Janaale ku furteen 9-qoray oo nuuca AK47,hal qoray oo PKM ah iyo sidoo klae hal qoray oo nuuca loo yaqaan Baasuukaha ama rbj.

Taliyaha Ciidanka Danab ayaa sheegay in xaalada deegaanka Janaale hada ay tahay mid degan, waxa uuna xusay in ciidamada milatariga isku fidiyeen deegaankaasi si buuxdana hada gacanta ugu hayaan.

Ciidanka kumaandooska Soomaaliya ee loo yaqaan Danab ayaa shalay sanado badan kadib dagala kula wareegay deegaanka Janaale oo gacanta ugu jiray dagaalyahanada Al Shabaab, waxaana deegaanka inta badan ka barakacay shacabkii kunoolaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -