Shirka Sanadlaha arimaha Caafimaadka oo Muqdisho lagu qabtay (Daawo Sawirada)

Shirkan caafimaad oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Jaamacadaha Simad iyo Jamhuuriya islamarkaana ay ka soo qeybgaleen Xubno katirsan dowladda federaalka ee Somaliya Masuuliyiinta Jaamacadaha Simad iyo Jamhuuriya, Cilimi bareyaal, ardayda Jaamacadaha dalka iyo dadweyne islamarkana soconeysay mudo labo maalmood ah ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay Magaalada Muqdisho.

Bandhigan oo diirada lagu saaray xal u helida mushkiladdaha caafimaad ee dalka ayaa waxaa khudabod ka soo jeediyay masuuliyintii ka qeybgashay kulanka, waxaa sidoo kale lagu soo badhigay daraasado ka hadlaya xaaladaha caafimaad ee dalka.

Mudadii uu socday badhiga ayaa waxaa ka hadlay ilaa 32 cilmi baareyaal caafimaad ah oo soo jeediyay muduucyo kala duwan. Waxaa sidoo kale mudadaasi uu socday bandhiga hadlay masuulyiin katirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya kuwaas oo dhamaantood bogaadiyay qabanqaabada wanaagsan ee shirka ayaga oo dhiirigaliyay in la joogteeyo bandhigyadda noocan oo kale ah

Qaar kamid ah ardaydii ka soo qeybgalay shirka ayaa sheegay in ayagana ay mudadii uu kulanka soconayay waxbadan ka faaiideen.

Waa markii ugu horeysay ee ay si wadajir ah u qabtaan bandhig heerkan oo kale ah labo jaamacadood oo dalka ah waxaanay qaar kamida cilmi baarayaashii ka qeybgalay oo ka kala yimid gudaha iyo dibada soomaaliya intaba sharaxaad kasiiyeen ka qeybgala yaasha kulanka waxyaabihii ay ku ogaadeen cilmi baarisyadii ay soo saaareen ee la xariiray arrimaha caafimaadka

- Advertisement -