Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Boeing oo shaacisay in sanadkii hore uu soo gaaray Khasaarihii ugu weynaa

Shirkadda diyaaradaha Boeing ayaa gashay khasaarihii ugu weynaa abid in ka badan 20 sanno xilli ay sare u kacday dhibaatooyinka dhaqaale ee soo wajahay shirkadda Boeing 737 Max.

Shirkadda soo saarta diyaaradaha ayaa sannadkii lasoo dhaafay laga mamnuucay dalal ka tirsan caalamka taasoo saameyn ku reebtay kaddib markii labo nooc kamid ah diyaaraddan ay burburtay taas oo ay ku dhinteen 346 qof.

Wuxuu noqonaya khasaaraha ay gashay shirkadda 636 malyan doolar sannadkii tegay.

Sannadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii ay burburtay diyaarad noocaas ah oo ay isticmaaleysay shirkadda Ethiopian Airlines, taasoo ay ku geeriyoodeen dhammaan rakaabkii iyo shaqaalihii la socday oo isku darka tiradoodu ay gaareysay 157 ruux.

“Waxaan qirsanahay khasaaraha na soo gaaray balse waxaa inoo taalla shaqo badan” ayuu yiri madaxa cusub ee shirkadda, David Calhoun.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Booliiska Muqdisho oo Shaaciyay Sababta ay u xir xirayaan dadka dhaqan xumada wada

Cabdi Cade

Shirkadda Elon Musk oo lagu eedeeyay in ay lacag ka qaaday kooxo argagixiso ah

Cabdi Cade

Dadka u dhimanaya firuska dilaaga ah ee ka dilaacay Shiinaha sii kordhaya (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---