Allbanaadir.com
NEWS

Xasan Sheekh oo Xaalad Murugu leh ku tilmaamay sida dowlada u isticmaaleyso maareynta Hawada

Madaxweynihii hore ee dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si adag uga hadlay awaamiirta dowlada ee ku aadan maareynta hawada Soomaaliya gaar ahaan xayiraada dowlada saartay garoonka Kismaayo.

Qoraal uu Xasan Sheekh soo dhigay barta uu Twitterka ku leeyahay ayuu ku sheegay in dowlada Soomaaliya ay mudo 30-sano ah sugeysay in ay lasoo wareegto maamulka hawada , waxa uuna murugo ku tilmaamay in dowlada hada hub siyaasadeed ka dhiganeyso maamulka hawada.

“Waa xaalad murugo leh in dowladdu u isticmaasho maareynta hawada sidii hub siyaasadeed oo saameyn culus ku yeelan kara xasilloonida siyaasadeed iyo midnimada dalka”ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Hadalkan kasoo yeeray Xasan Sheekh ayaa kusoo aadaya xili maanta dowlada federaalka  is hortaagtay diyaarad kusii jeeday magaalada Kismaayo uu raaci lahaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif oo lagu casuumay caleemo saarka Axmed Madoobe.

Related posts

Wiilka Madaxweyne Biden oo Maxkamad ka hor qiranaya labo dambi

Caydiid Ali

Cristiano Ronaldo oo lagu Xukumay in lagu dhufto 99 Jeedal iyo Dembiga uu galay

Cabdi Cade

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo la kulmay Mr. Cesar Arroyo & xubno la socday (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---