Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in Al Shabaab labo dhinac kala dagaallamayaan

Dowladda Soomaaliya ayaa wada guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Al Shabaab ee heesata qeybo kamid ah degmooyinka iyo deegaannada Galmudug , waxa ayna dowladda dooneysaa in gabi ahaan kooxdaasi laga saaro gobolka.

War saxaafadeed kasoo baxay wasiirka maaliyadda xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Al Shabaab kula jirto labo dagaal oo kala ah mid dhaqaale iyo sidoo kale mid toos ah oo hub loo adeegsanayo.

Dagaalka dhaqaale ee ka dhanka ah Al Shabaab ayaa wasiirka sheegay in ay sii soconayo, waxa uuna intaa raaciyay in kooxda Al Shabaab lala galayo dagaal nuuc kasta ah si kooxdaasi meesha looga saaro jiritaankeeda.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u qaaday tallaabooyin ka dhan ah kooxda Al Shabaab gaar ahaan dhinaca maaliyadda, waxa ayna dowladda xirtay akoono badan oo Al Shabaab lacagaha loo marsiin jiray, sidoo kale xayirtay lacag badan oo kooxda qaadan jirtay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Somtel oo Muqdisho kusoo bandhigtay adeegga cusub ee Muraadso (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse oo Shaaciyay nuuca Xukuumada uu soo dhisayo iyo waxa ay Qabaneyso

Cabdi Cade

Muuqaal la baahiyay oo Sabab u noqday in Aabe gabadhiisa ku hor toogto Hooyadeed

Cabdi Cade