Wareysi uu bixiyey Blair Cottrell oo xiisad & caro xooggan ka abuuray dalka Australia

Maamulka gobol muhiim ah oo ka tirsan dalka Australia ayaa soo saaray go’aan telefishinka Sky looga joojinayo in laga daawado goobaha dadweynaha sida goobaha laga raaco tareenada.

Talaabadan ayaa waxay ka dambeysay ka dib markii TV-ga uu waraystay nin lagu magacaabo Blair Cottrell oo lagu yaqaano inuu taageero u yahay Adolf Hitler, kaasoo lagu heley dacwad ah in uu muslimiinta neceb yahay, isla markaasna u hanjabay.

Wareysiga ayaa dalkaas ka dhaliyay buuq badan, iyada oo ay dadka sheegeen in qof ku baaqaya in dad la laayo, lana takooro aysan ahayn in laga wareysto warbaahinta ugu caansan dalkaas.

Sky News ayaa raaligalin ka bixisay wareysiga, waxayna gabi ahaanba joojisay barnaamijkii lagu wareystay.

“Nacayb iyo takoor boos kuma lahan bulshadeena dhexdooda” ayay tiri wasiiradda gaadiidka Jacinta Allen.

Cottrell ayaa wareysiga ku sheegay in Australia ay joojiso dadka soo galootiga ah iyo soo dhoofinta wax uu ku tilmaamay fikradaha qalaad.

Ninkan iyo saddex nin oo kale ayay maxkamad ku heshay dambi, kadib markii ay jilleen iyaga oo dad gowracaya, si ay uga mudaaharaadaan masaajid agtooda laga dhisayay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com