Maxaa ka soo baxay kulan safiirka cusub ee Nederlands u fadhiya Soomaaliya uu la yeeshay hormuudka jaaliyadda Soomaalida.? [Sawirro]

Toddobaadkii hore magaalada De Heeg ee waddanka Nederlands, waxaa ka dhacay shir muhiim ah oo yeesheen  xubno matalayey ururada Soomaalida ee dalkaasi ku dhaqan & safiirka dowladda Nederlands ee arrimaha Soomaaliya Dr. Roelof Haveman​.
Kulankan oo ahaa kii 2-aad ee ay yeeshaan jaaliyada & safiirka, wuxuu ka dhacay wasaaradda arrimaha dibedda Nederlands, waxaanna uu ku saabsanaa  safiirka oo ka warbixinayey socdaal uu ku tegay qeybo ka  ka tirsan dalka iyo waxyaabihii uu la soo kulmay; sidoo kalena, wuxuu aad u daneynayey safiirku  dadka aqoonyahanada ee haysta dhalashada dalkan in uu dhageysto aragtidooda ku wajahan sida loo tayeyn karo  shaqooyinka dalkiisu doonayo inuu ka qabto Soomaaliya. ​
“Dalkiinu, wuxuu ku jiraa marxalad loo baahan yahay in ay talo ku yeeshaan dadka aqoonta la bidayo, si  mar kale aanu  dib u dhac u soo wajahin, waxaan soo arkay yididiilo & horumar billow ah oo ay dowladdu ku tillaabsatay, horumarkaasi wuxuu u baahan yahay adkeyn & garab gelid, sidoo kale waxaa jira isweydiimo dhowr ah oo dowladdu loo jeedinayo welina aan laga helin jawaabo waafi ah” Ayuu yiri Dr. Roeleof Haveman isaga oo sharaxay dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee dalka ka dhacay sida doorashadii madaxweynenimada ee K/Galbeed, tii Puntland, isaga oo  Soomaalida ku tilmaamay dad qalbi fiican, hasse ahaatee loo baahan yahay inay xoojiyaan wadajirka & ilaalinta sharciga.​
Safiirka Nederlands, wuxuu sheegay in socdaal dhowaan  uu ku tegay Somaliland in waxyaabihii uu ku soo arkay uu  bogaadinayo, isaga oo xusay in nabadgelyada ay ku naaloonayaan dadka Somaliland ay ku timid biseyl & dadka oo gartay in ka wada shaqeeyaan sidii ay u ilaashan lahaayeen sharciga ay ku heshiiyeen, wuxuuna tilmaamay in Koofurta Soomaaliya ay wax badan ka baran karto Somaliland. ​
“Waxaan doonayaa anigu, inta aan qof kale ka wareysan lahaa arrimaha Soomaaliya quseeya, in idinka la idin weydiiyo, oo aan dhageysto talladiina, annaga oo middeysanna aan ka wada qeybqaadano kaalinteena ku aadan horumarka dhanka bini’aadanimada & sidii Soomaaliya mar kale ay cagaheeda isugu taagi laheyd” ayuu yiri Dr. Roeleof, isaga oo intaasi raaciyey in  wajiyadii uu kula kulmay gudaha dalka & dalkan intuba in ay u badan yihiin dad bisil, aqoonyahanno ah, aadna u daneynaya in mar un dalkoodu nabad noqdo.​
Dr. Roeleof  wuxuu rajo ka muujiyey in dowladda Nederlands mustaqbalka dhow ay diyaarineyso xafiis u shaqeeya qaab qunsuliyad ah in ay ka furato dalka, si ay fursad ugu helaan dadka haysta dhalashada dalkooda inay helaan tasiilaaadka ay u baahan yihiin​
Cabduqaadir Cali  [Nuune] oo ah guddoomiyaha jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan magaalada Zwolle & magaalooyinka ku dhowdhow, kana mid ahaa aqoonyahanadii shirkaasi ka qeybgalay oo saxaafadda la hadlay ayaa soo dhoweeyey  kaalinta dowladda Nederlands ay ka qaadaneyso arrimaha quseeya sidii ay Soomaaliya mar kale cagaheeda isugu taagi laheyd, isaga oo u soo jeediyey safiirka cusub in  Soomaalida “elite”-ka ah ee dalkan ku dhaqan ay noqdaan kuwa uu dhagysto tallooyinkooda. ​
“Dowladnimada Soomaaliya oo marxalado kala duwan soo martay waxeey u baahan yahay hogaan aan ummadda niyad jebin, dadka Soomaaliyeed rajo weyn ayeey qabaan, waxaanna ay rajadaasi hor-taalaa 2da aqal ee baarlamaanka & odayaasha,  madaxweynaha & r/wasaaraha xukuumadda, dadka Soomaaliyeed waxeey baahi weyn u qabaan madax si daacadnimo ku dheehan tahay ugu shaqeysa, ee aan ka shaqeystan, waxaan dowladdeena ka dooneynaa in ay si buuxda ammaanka u sugto, ka howlgasho sareynta sharciga, la dagaalanto musuqmaasuqa, qabyaalada & wax walba oo dhaawac u geysan kara dowladnimada, waxaan diidanahay in talada dalka ay [manoply] ku qabsadaan shaqsiyaad isku dan ah, kuwo isbaheysi wada ah & danleey, waxaan u hamuun qabnaa hogaan dhabarka u rita wixii mas’uuliyad ah, waxaan u jeel-qabnaa in qof dambe oo Soomaaliyeed  aanu maalaa-yacni inooga dhiman” Ayuu yiri
C/qaadir Nuune.
Shukri Said oo ah gabar Soomaaliyeed oo u dhaqaaqda xuquuqda caruurta & hooyooyinka, ayaa iyana shirkaasi ka jeedisay aragtideeda, waxaanna ay sheegtay in horumarka kasta ee ay bulsho ku tillaabsato ay aasaas u tahay ilaalinta xuquuqda haweenka & caruurta, waxaanna ay u soo jeedisay madaxda Soomaalida in ay la yimaadaan waxqabad ku dhisan cadaalad iyo sinaan.​